Page 1 of 1

Somali military officials to meet Italian Military officials

Posted: Wed Jan 26, 2011 11:41 am
by Coeus
Image

Image

Wefdi uu hogaaminayo Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamed Fiqi iyo saraakiil Milateri ayaa maanta u safray dalka Talyaaniga.

Saraakiisha ku wehlineysay safarka Wasiirka Gaashaandhigga ayaa waxay kala ahaayeen Taliyaha ciidanka nabad sugida Qaranka Jen. Maxamed Sheekh Xasan, Jen. Maxamed Sheekh Madoobe, Jen. Muuse Xasan iyo Jen. Maxamed Aadan Biixi, waxaana la filayaa wefdigaasi ka socda Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya inay magaalada Rome ee dalka Talyaaniga kulamo kula qaataan saraakiisha ugu sareysa Wasaaradda Gaashaandhigga Dalka Talyaaniga iyo weliba xubno kale oo ka mida xukuumada Talyaaniga.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa ka hor intii aanu ka dhoofin garoonka Aadan Cabdulle hadal kooban siiyay Warbaahinta isagoo sheegay in kulankani uu qeyb ka yahay booqashadii uu dhowaan Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ku tagey dalka Talyaaniga, isagoo xusay in qodobo ka mid ah balan qaadyadii dowladda Talyaanigu u sameysay Dowladda Federaalka la filayo inay isla meel mariyaan.

Xukuumada Talyaaniga ayuu ku ammaanay sida ay u dooneyso inay ku taageerto dowladda Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed dedaalkeeda ku wajahan soo celinta nidaamkii iyo kala dambeyntii dalka.

Re: Somali military officials to meet Italian Military offic

Posted: Wed Jan 26, 2011 11:47 am
by NewHargeisaGirl
Coeus
No offense to you sir, but seriously you need to get a life !

Re: Somali military officials to meet Italian Military offic

Posted: Wed Jan 26, 2011 11:48 am
by Coeus
Newhargeisagirl wrote:Coeus
No offense to you sir, but seriously you need to get a life !
:) :rose:

Re: Somali military officials to meet Italian Military offic

Posted: Wed Jan 26, 2011 11:49 am
by MujahidAishah
The one in the middle needs fashion advice :lol: :lol:

The one on the right.. jamacada Fashonionka buu ka qalin jaabayay :up:

Re: Somali military officials to meet Italian Military offic

Posted: Wed Jan 26, 2011 12:05 pm
by Coeus
AishahWaqooyi wrote:The one in the middle needs fashion advice :lol: :lol:

The one on the right.. jamacada Fashonionka buu ka qalin jaabayay :up:
:lol: :lol: :lol: