Wasiirka Arrimaha Gudaha, D/hoose & Horumarinta Reer Miyiga Dowlada Puntland Gen: Cabdulaahi Axmed Jaamac (Ilkajiir) oo uu weheliyo Wasiir ku xigeenkiisa Cali Yuusuf Cali (Xoosh) ayaa maanta ku qaabilay Hoteelka Rugsan Square ee Magaalada Garoowe U qaabilsanaha Soomaaliya Hay’adda UNHCR United Nation High Commissioner for Refugee Bruno Geddo.
Dhanka kale waxaa kulankan goob joog ka ahaa Wakiilka Puntland ee Hay’adda UNOCHA Willaim & Madaxa Xafiiska Garowe ee Hay’ada UNHCR Maxamed Saalax ujeedka kulankan ayaa ku saabsanaa Qaxootiga & Barakacayaasha ku nool deegaanada Puntland iyo sidii wax loogu qaban lahaa.
Waxaa waxbadan la iska weydiiyey dhibaatooyinka haysta dadkaas gaar ahaan dhinacayada Arrimaha Bulshada sida Caafimaadka, Waxbarashada, Cuntada, Hoyga & Biyaha iyadoo labada dhinac ay iska weydaarsadeen xogo badan.
Gebagebadii waxaa laysku afgartay in si dhab ah loo wajaho wax u qabashada dadkaas tabaalaysan iskaashi dhab ahna ay uga wada yeeshaan labada dhinac iyadoo wax badan layska weydiiyey sidii loogu heli lahaa xal waara barakacayaasha ka soo qulqulaya Gobolada koonfurta & Bartamaha Soomaaliya waxaana ugu danbeyntii loo balamay kulan danbe.
Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland
Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland La Kulmay Saraakil sare QM
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Wasiirka Arimaha Gudaha Puntland La Kulmay Saraakil sare QM
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 552 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 1 Replies
- 403 Views
-
Last post by UgaaskaBarakaysan
-
- 0 Replies
- 619 Views
-
Last post by Adali
-
- 28 Replies
- 2196 Views
-
Last post by abdikarim86
-
- 3 Replies
- 697 Views
-
Last post by salafi_student
-
- 3 Replies
- 704 Views
-
Last post by sahal80
-
- 1 Replies
- 844 Views
-
Last post by CMkingdom
-
- 1 Replies
- 573 Views
-
Last post by damu
-
- 0 Replies
- 887 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 2 Replies
- 669 Views
-
Last post by burcaawi14