u qeybiyeen dadka abaaraha saameyta ku yeesheen ee kunool degmada buulo fulaay iyo tuulada doodaale ee hoostagta degmada buulo fulaay.
Gudomiyaha guddiga abaaraha wilayada bay iyo bakool sheekh Axmed Cabdisalaan oo u waramey Warbaahinta islaamiga waxaa uu sheegey in sadax boqol oo qoys oo kamid ah dadka ay abaaruhu
ay saameeyeen ee ku sugan degmada buulo fulaay iyo tuulada doodaale ay gaarsiiyeen raashin isugu jira galey iyo Saliid ayadoo qoys walbana lasiiyey kiish galey ah iyo caag saliid ah .
sheeq axmed Cabdi salaan waxaa uu in taa ku darey in raashiinka iyo saliida ay gaarsiiyeen dadka tabaaleysan ee abaaruhu ay aafeeyeen laga soo ururiyey shacabka muslimiinta ee kunool wilayada bay iyo Bakool islamarkaana ay sii wadayaan howlaha dadka dhibaateysan gar gaarka loogu fidinayo.
taas oo ay dheer tahay biya dhaaminta ay u sameynayaan masaakiinta biyo la'aanta iyo baad la'aanta soo wajahdey .
Gudiga gurmadka abaaraha wilayada bay iyo bakool ayaa dagmooyin iyo deegaano kamid ah wilayada waxey kawadaan howlo isugu jira raashiin qeybin iyo biyo dhaamin ayadoo degmooyinka sida tooska ah biyo dhaamintu ay ka socoto ay kamid yihiin degmooyinka Diinsoor buulo fulaay Rabdhuure waajid Berdaale iyo Tiyeeglow
Dadka abaareysan ayaa aad ugu farxey talaabooyinka Biyaha loogu dhaaminayo islamarkaana raashinka kalagedisan loogu qeybinayo oo ay wadaan ganacsatada wilaayada iyo guddiga gurmadka abaaraha wilaayada
