SH.CALI DHEERE “Nimankii shalay nagu eedeeynayey ceyrinta Heyadaha waxaa ILAAHAY mahadii ah iney maanta nala ogaadeen cadownimad
Wednesday, January 26, 2011 at 5:16pm
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali dheere) ayaa sheegay in dadka Soomaaliyeed intooda badan ay hadda ku baraarugeen dhagarta iyo hagardaamada ay muslimiinta ku hayaan wax uu ugu yeeray heyaddaha samafalka gaalada ayna ogaadeen in Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ay ku saxsanaeyd go’aankii ay kaga ceyrisay goobaha ay ka taliso heyadaha samafalka.
Shiikh Cali Dheere waxaa uu intaa ku daray in goobaha ay ka taliso Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab ee gobolada iyo degmooyinka dalka maamulada ka jira ka sameeyeen gurmad balaaran oo biyo lagu gaarsiiyey tuulooyinka fog fog ee ay abaaruhu saameeyeen isla markaana dadka abaaruhu ay ku dhufteen ay gaarsiiyeen raashiin iyo xoolo seko ah oo si weyn ay ugu baahi baxeen, wuxuuna dhinaca kale sheegay in goobaha ay joogaan heyadaha samafalka dadku ay baahi ugu dhimanayaan oo aysan jirin wax ay siiyeen.
“Nimankii shalay nagu eedeeynayey ee nalahaa gurmadkii Heyadaha in dadka la gaarsiiyo ayey diideen waxaa ILAAHAY mahadiis ah in maanta ay nala ogaadeen cadownimada gaalada iyo ineysan jirin wax ay ugu maqan yihiin dadka muslimiinta ah, waad la socotiin waxaa uu ku hadlayey ninka heysta degmada Madiina iyo Axmed Diiriye iyo dad kale oo badan oo shalay lahaa shabaab baa diiday gurmadkii maanta waxay eedeeynayaan WFP” ayuu intaa ku daray Shiikh Cali Dheere.
Haddii heyaddaha samafalka ay wax tarayaan dadka maxay wax u siin waayeen dadka ku nool goobaha ay joogeen xitaa galeydii ureysay iyo raashiinkii dhacay ee ay siin jireen ayey ka reebteen dadka” ayuu intaa ku daray Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Al-Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage (Sh. Cali dheere) oo ku soo beegmay xili gudoomiyaha degmada Wadajir ee dowlada Somalia iyo odayaasha beelaha Hawiye ay ku baaqeen in dalka laga saaro WFP oo ay ku eedeeyeen iney gargaar siin weysay dadka abaaruhu ay waxyeeleen ee jooga magaalada Muqdisho.
NGOs bad for Somalia
Moderator: Moderators
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 19 Replies
- 1857 Views
-
Last post by Executive
-
- 8 Replies
- 1110 Views
-
Last post by Estarix
-
- 0 Replies
- 694 Views
-
Last post by bluelovelady
-
- 0 Replies
- 912 Views
-
Last post by neocon_2007
-
- 2 Replies
- 987 Views
-
Last post by Bermooda
-
- 8 Replies
- 993 Views
-
Last post by BigBreak
-
- 1 Replies
- 1644 Views
-
Last post by LiquidHYDROGEN
-
- 2 Replies
- 510 Views
-
Last post by Niya
-
- 3 Replies
- 1206 Views
-
Last post by Jeffrey Dahmer
-
- 8 Replies
- 1223 Views
-
Last post by Cirwaaq