
Jan,27 2011 Addis ababa (Cadceed) – Madaxweynihii hore ee Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin, ayaa safar gaar ah ku jooga magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.
Ilo xogogaala ayaa xaqiijiyay in Md. Rayaale, habeenimadii Salaasadu soo galaysay ee toddobaadkan uu soo gaadhay magaalada Addis Ababa, isagoo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska.
Waxa uu shalay kulan saacad iyo badh qaatay la yeeshay Raysalwasaaraha Itoobiya Md. Meles Zenawi oo ku qaabilay xafiiskiisa, lamana oga waxyaabaha ay ka wada hadleen, laakiin ilahaasi waxa ay tibaaxeen in kulankaasi ahaa salaan ay iskula soo qaadeen arrimo kale oo la xidhiidha mandaqadda.
Warku waxa uu intaas ku daray in Md. Rayale, Addis Ababa uga gudbi doono dalka Faransiiska oo ay carruurtiisu degen yihiin, waxaana socdaalkiisan ku wehelisa xaaskiisa Marwo Huda Barkhad Aadan.
Daahir Rayaale Kaahin, oo sumcad ku helay doorashadii madaxtooyada ee dalka ka dhacday iyo jawigii nabadeed ee uu xilka ku wareejiyay, waa markii labaad ee uu Raysalwasaaraha Itoobiya la kulmo tan iyo markii 27 Julay ee sannadkii hore uu xilka madaxtinimada Somaliland ku wareejiyay Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo.
Maxamed Cabdilahi (Guray)
Cadceed.com


