Al Shabaab oo madaafiic ku garaacay Ceel-Gaal-They bombed sh
Posted: Fri Jan 28, 2011 10:12 am
Maleeshiyada Al shabaab ee magaalada Beledweyne ayaa saaka madaafiic ku weeraray tuulada Ceel Gaal oo qiyaasti 7 Km u jirta magaalada Beledweyne.
Dadka Deegaanka Ceel Gaal oo Barkulan u warramay ayaa sheegay in aysan cidna madaafiicdaas wax ku noqon, waxayna ku macneeyeen ujeedada ay shabaab madaafiicda ugu garaaceen tuulada inay la xiriirto shaki ay ka qabaan dhaqdhaqaaqyo xooggan oo ciidan taageersan DKMG ay ka samaynayaan meel tuulada Ceel Gaal u jirta ilaa hal Km.
Wararka kale ee naga soo gaaraya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya inay jiraan dad abaarta dalka ka jirta ku xoolo belay oo soo gaaraya magaalooyinka iyo tuulooyinka waaweyn.
Tuulada Halgan ayey wararku sheegayaan inay soo gaareen ilaa 70 qoys oo ka soo barakacay dhulka miyiga ah, kuwaasoo ay xoolahoodi ku leādeen abaarta. Dadkaas ayey wararku sheegayaan inay ku jiraan qoys ka koobnaa 8 carruur ah iyo labadii waalid ee dhalay, kuwaasoo 2 ka mid ah carruurtooda ay waddada ku dhinteen, ayadoo ka dibna gawaari loogu gurmaday si loo soo gaarsiiyo tuulada Halgan inta aysan mar kale qaarkood jidka ku dhiman.