magaalada Kismaayo oo muddo ku dhaw Sedax sano leh maamul Islaami ah oo ku dhaqanka shareecada Islaamka hirgeliyay ayay Kismaayo hadda gelaysaa horumarin dhanka bilicda ah.
Bishii lasoo dhaafay waxaa magaalada gudaheeda laga saaray wixii Khashin ah ee magaalada lagu qubayay xiligii fowdada, xaafado caan ka ah magaalada oo Khashinka iyo gudaafadda ku caan baxay ayaa maanta ah kuwa dhal dhalaalaya kadib markii maamulka Baariga ah ee Sheekh Xasan Yacquub Hogaamiyo dhidid iyo dhaqaale ku bixiyeen sidii nadaafadda magaalada loo hagaajin lahaa.
Markii magaalada laga nadiifiyay Khashinkii iyo gudaafaddii ayuu maamulku usoo jeestay dhismaha wadooyinkii ku burburay dagaaladii sokeeyay.
Waxaa lasoo gaba gabeeyay dhismaha wadada hormartay shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ee bartamaha magaalada Kismaayo, wadadaasi oo ka burbursaneyd ilaa iyo 600 Mitir ayuu maamulku ku guulaystay in uu dib u dhis u sameeyo.
Dhismaha wadada Kismaayo ayaa kusoo aadaya xilli Amiirka Xarakada Shabaabul Mujaahidiin uu dhawaan Baaq waxqabad in dardaaran ah u diray wilaayaadka Islaamiga ee dalkeena Somaliya.




