
Wiil dhalinyaro ah ayaa geeriyooday, mid kalena waxa soo gaadhay dhaawac kaddib markii ay Miino ku qaraxday goob ay ku ciyaarayeen Dhalinyaro tiro badan.
Dhalinyaradan oo Kubbadda Cagta ku ciyaarayay Garoon ku yaala Xaafadda Sheedaha ee Degmada Ibraahim Koodbuur ee Magaalada Hargeysa, ayay ku qaraxday Miino, waxaana halkaa ku naf-baxay Allaha u naxariistee Marxuum Mubaarik Mawliid Ismaaciil oo da’diisu ahayd 16 jir, halka uu dhawaac culusi ka soo gaadhay Farxaan Ibraahim Maxamed oo 18 jira ah.
Wararka la xidhiidha arrintan ayaa sheegay in Miinada uu Xashiish dhexdiisa dhigay Nin ay dhalinyaradu sheegeen in ay arkayeen marka uu dhigayay, taas oo keentay in ay isku dayeen in ay soo eegaan, isla markaana mid ka mid ahi soo qaaday. Hase ahaatee, iyaga oo aan si wacan u aqoonsan in ay Miino tahay uu mid ka mid ahi garaacay, taas oo keentay inay Qaraxdo.
Wiilka ku dhaawacmay qaraxa oo lagu macaabo Farxaan Ibraahim Maxamed ayaa lagu dawaynayaa mid ka mida cisbitaalada sida gaarka ah loo leeyahay ee Magaalada Hargeysa.
Inkasta oo ay Somaliland ka hawl-galaan Hay’ado sheega inay ka shaqeeyaan ururinta waxyaabaha qarxa, haddana maaha markii u horraysay ee Miino ku qaraxdo dadweynaha ku dhaqan Somaliland.