
Wasiirada warfaafinta, duulista & garoomada, beeraha, iyo shaqada & shaqaalaha ee Puntland oo xilalkii laga qaaday.
Garowe, Jan 28 - Wareegto ka soo baxday madaxtooyada Puntland, uuna ku saxiixnaa M/weyne Faroole, ayaa xilalka laga qaaday 4 ka mid ah wasiirada xukuumada Puntland, halka 4 kale xilal loo magacaabay, 6 wasiir ku xigeenna la isku badelay.
Wasiirada xilalka laga qaaday ayaa waxaa ka mid ah:
* Warfaafinta & Isgaarsiinta - C/xakiim A. Guuleed,
* Shaqada & Shaqaalaha - Maxamed N. Cagaweyn,
* Beeraha & Waraabka - Xassan C. Maxamed,
* Duulista & Garoomada - Axmed C. Cismaan 'Karaash'.
Isla wareegtada ayaa xilal cusub loogu magacaabay 4 wasiir oo badeli doona wasiirada xilalka laga qaaday.
Wasiirada cusub ee la magaxaabay ayaa kala ah:
* Warfaafinta & Isgaarsiinta - Axmed Cali Askar,
* Shaqada & Shaqaalaha - C/weli Xirsi Cabdulle,
* Beeraha & Waraabka - Maxamuud Xaaji Saalax,
* Duulista & Garoomada - Cali Axmed Gamuute.
Wareegtada ayaa sidoo kale lagu magacaabay 6 wasiir ku xigeen ee wasaaradaha waxbarashada, duulista & garoomada, beeraha, shqada & shaqaalaha, hawlaha guud, iyo deegaan & duurjoogta.
Waa isku shaandhayntii 2-aad ee uu M/weyne Faroole ku sameeyey xukuumadiisa 2-dii sano ee la soo dhaafay.
C/raxmaan Xuseen Xasan 'Gaardi',
Daljir, Garowe.
