
Maxamed C/llaahi Maxamed Farmaajo R/wasaaraha Soomaliya ayaa maanta hortagay Golaha baarlamaanka oo fadhi ku leh xarunta golaha shacbiga ee magaalada Muqdisho.
Ra’iisul wasaaraha ayaa baarlamaanka hortooda ka sharaxi doono go'aanka ay xukuumaddu ka qaadatay heshiisyo horay loola galay shirkado dhowr ah oo dalka ka howl galayay dalka, iyadoo shirkadahaasi uu Baarlamaanku ay su'aalo ka weydiiyeen xukuumadda, waxana laga doonayaa inuu jawaabo ka bixiyo arrimahaasi.
Md. Farmaajo ayaa ugu Baarlamaanka in ay tixgeliyaan shaqada ay xukuumaddu qabatay ee ku saabsan Saracen oo ahayd arrin markaasi taagan, xukuumaddu waxay burburisay heshiiska shirkadda, waxayna ku amartay in ay dalka ka baxdo, isagoo sheegay Ra’iisulwasaaraha in xukuumaddu ay wali waddo baaritano ku saabsan shirkadha kale.
"Uruurin ayaan ku samaynay fariimihii aan kari karnay inaan ururinno, maanta ayaana horgeyn doonaa xildhibaannada baarlamaanka Soomaaliya, si ay wax uga ogaadaan heshiisyadaas," ayuu yiri ra'iisul wasaare Maxamed Farmaajo.
Ra'iisul wasaaraha ayaa sheegay in kulan ay golaha wasiirradu yeesheen ay ku joojiyeen heshiiskii lala galay shirkadda Saracen Intertional, taasoo uu sheegay in howsheeda aysan wax dan ah ugu jirin dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

