
Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa fariisin cusub ka samaystay Isgoyska Ex-Kontorl Agooye, waxaana la arkayaa Ciidamadaasi oo wata gaadiidka dagaalka oo halkaasi ilaalo xooggan ka haya.
Ciidamada AMISOM ayaa maalmahaan dambe waxay wadeen inay isku fidiyaan Magaalada Muqdisho, iyadoo Ciidamada AMISOM ay maalmihii dambe soo gaareen ciidamo hor leh oo kor u dhaafaya kun askari.
Fariisinkaan Cusub ee Ciidamada AMISOM ayaa ah mid salka ku haya howlaha Ciidamadaasi ay ka hayaan Muqdisho ee ah sugida amniga Caasimada Muqdisho oo ay iyagu u xilsaaran yihiin.
Degitaanka Ciidamadaan AMISOM ee la xariirta Fariisinkaan Cusub ayaa ah mid ku soo aadaya xilli waqti kordhin loo sameeyay mudada ay joogayaan Soomaaliya, siadoo kale waxay tani ku soo aadaysaa xilli dalka Itoobiya loo fadhiyo sidii Ciidamadaasi loogu fasaxi lahaa inay nabadda si xoog ah ku dhaliyaan.