Maxamuud Axamad Nuur Tarsan Gudoomiyaha Gobalka Banaadir ayaa ugu Baaqay shacbiga Soomaaliyeed in ay sameeyaan Kacdoon ka Dhan ah maleeshiyaadka xarakada Al-Shabaab ee dhibaatada joogtada ah ku haya Bulshada.
“Waxaan Shacbiga Muqdisho ugu baaqayaa inay sameeyaan kacdoon ka dhan ah Al-Shabaab si ay dalka ugu saraan kooxdaasi xoog ku haysatay shacabka” ayuu yiri Gudoomiyaha Gobalka Banaadir oo waraysi siiyay Radio Muqdisho.
Gudoomiyaha ayaa ayaa dhallinyarada Soomaaliyeed ku boorriyay inay ka hortagaan Al-Shabaab, islamarkaana bulshada ka dulqaadaan dhibaatada ay ku hayaan kooxda Shabaab dadka soomaaliyeed.
"Ma jiri karaan shacabka wax aysan raali ka ahyn , bal fiiri waxa ka dhacaya Maser ama ka dhacay Tunisia, waa shacab go'aan qaatay, annagana sidaas ayaa nalaga rabaa si aan uga guuleysano kuwa nagu soo duulay" ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka.
Md. Tarsan ayaa ka codsaday haweenka iyo dhallinyarada in ay hogaamiyaan kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab si taariikhdu ay u xusto kaalinta dahabiga ah ee ay ka qaadan karaan nabad iyo isbedel ka dhacda waddanka.



Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka ayaa sheegay in gordhow talaabo cad laga qaadi doono Askarta waddooyinka magaalada hubka ku sidata, wuxuuna sheegay in qorshaha Dowladda uusan ahayn in shacabka la qalqal geliyo balse loo baahan yahay in shacabka laga badbaadiyo kuwa dhibaataynaaya.