Qasaaraha ka dhashay dagaalkii Puntlnad iyo Somaliland oo sii kordhaya
Karshaale

Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay dagaalkii Puntland iyo Somaliland ku dhexmaray deegaanka Karshaale ee gobolka Sool, iyadoo wali xiisad ay ka taagantahay halkaasi.
Sida ay sheegayaan wararkii ugu dambeeyay ee laga helayo deegaanka Karshaale ee gobolka Sool oo shalay, xalay ilaa iyo saakay ay ku dagaalamayeen ciidamo ka kala tirsan Maamulada Puntland iyo Somaliland ayaa sheegaya in qasaarihii ka dhashay dagaalkaasi uu sii kordhay.
Inta la’ogyahay dagaalkaasi ayaa waxaa ku geeriuyootay 15-ruux, iyadoo tiro intaasi ka badana uu dhaawac kasoo gaaray, kuwaasi oo u badnaa dhinacyadii ku dagaalamay deegaanka Karshaale ee gobolka Sool.
Deegaanka Karshaale oo u dhow degmada Buuhoodle ee gobolka Sool ayaa wali waxaa laga dareemayaa dhaq dhaqaaqyo ciidan oo ay samaynayaan ciidamo kala taabacsan Maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo gurmed farabadan ay helayaan labadaasi dhinac.
Dagaalka dhexmaray Puntland iyo Somaliland ayaa la sheegay in uu bilaawday kadib markii ciidamo ka tirsan kuwa Somaliland ay soo gaareen deegaanka Karsheele ee gobolka Sool halkaasi oo uu Madaxweynaha Somaliland sheegay in fariisimo looga samaynayo cutubyo ka tirsan ciidamada Somaliland .
Ma’ahan markii ugu horeysay uu dagaal ku dhexmaro Maamulada Puntland iyo Somaliland, iyadoo kol hore dagaal qasaaro gaytay ku dhexmaray labadaasi Maamul magaalada Laascaanood ee Xarunta gobolka Sool, taasi oo ugu dambeyntii ay gacan ku haynteed si buuxda ula wareegeen Ciidamadii taabacsanaa Maamul goboleedka Somaliland.