Muqdisho

Sh. M. Network) Waxaa sii kordhaya qasaaraha ka dhashay rasaastii maanta uu furay askarigii ka tirsanaa ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ee Isgoyska Baanadir ee magaalada Muqdisho.
Inta l’ogyahay 17-qof ayaa ku dhimatay 81-kalana way ku dhaawacmeen kuwaasi oo dhamaantooda lagaarsiiyay Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho, waxaana halkaassi ku booqday dadkii wax ku noqday rasaastaasi Wasiiro ka tirsan Xukuumadda KMG Soomaaliya.
Wasiirada gaaray Isbitaalka Madiina ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay kala ahaayeen wasiirka gaashaan dhiga C/xakiin Xaaji Fiqi, Wasiirka arimaha gudaha iyo amniga qaranka C/shakuur Sheekh Xasan Faarax iyo Wasiirka caafimaadka Dr. Aadan kuwaasi oo dhamaantooda koor meer ku sameeyay bukaanada wax ku noqotay mashaqadii maanta ka dhacday Isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho.
Wasiirka gaashandhiga ee dowladda KMG Soomaaliya C/xakiin Xaaji Fiqi oo saxaafadda kula hadlay gudaha Isbitaalka Madiina ayaa sheegay in ay ka xunyihiin dhibaatada maanta ka dhacday Isgoyska Banaadir, isagoo sheegay in dadkii ka dambeeyay falkaasi ay Maxkamad soo taagi doonaan, wuxuuna u mahad celiyay Maamulka Isbitaalka Madiina sida ay ugu dadaaleen daawaynta bukaanadii jiifa Isbitaalkaasi.
Aagsimaha Isbitaalka Madiina Dr. Max’ed Yuusuf Xasan ayaa isna waxaa uu sheegay in ay gudaha Isbitaalka maanta kaliya lasoo gaarsiiyay dhaawacyo gaaraya 81-ruux oo uu sheegay in 18-ka mid ah dib la celiyay kadib markii loo fidiyay gar gaark caafimaad, isagoo tilmaamay in xiligaan Isbitaalka ay ku jiraan 17-qof oo meed ah.
Inta badan ciidamada dowladda KMG Soomaaliya ayaa waxaa ay rasaas aan loo meel dayin ku furaan dadka rayidka ee aan waxba galabsan, iyaadoo Mas’uuliyiinta ugu sar sareysa dowladda KMG ay sheegeen inay talaabo ay ka qaadayaan askartii ay ku dhex arkaan magaalada iyagoo qori sita hase ahaaatee aan muuqan ilaa iyo hadda cid wax ka qabatay.
Alle uu naxristo
Insha'allah like the defence minister said, the criminal will be put to justice.