Muqdisho
Axmed Cali Xuseen oo 44-jir ah islamarkaana Shabaab shalay galinkii dambe ay ku toogteen deegaanka Maslax ee duleedka magaalada Muqdisho kaasi oo ay sheegeen in uu basaas u adeegayay sirdoonka Maraykanka ee FBI-da ayaa maanta waxaa ay soo bandhigeen filin maqal iyo muuqaal ah oo laga duubay ka hor inta aan la toogan eedeysanahaasi.
Saraakiisha Shabaab ayaa shalay waxaa ay balan qaadeen inay soo bandhigi doonaan filim maqal iyo muuqaal ah oo soconaya in ka badan halsaac kaasi oo looga turjumayo waxa uu qaban jiray ninka shalay ay ku toogteen deegaanka Maslax ee magaalada Muqdisho oo ay isugu yimaadeen dad wayne aad u farabadan.
Axmed Cali Xuseen waxaa uu Filinkasi ku sheegay in uu ku dhashay magaalada Hargaysa ee Xarunta Maamulka Somaliland, isagoo xusay in loosoo diray in uu ogaado dadkii ka dambeeyay qaraxii loo gaystay safaaradii Maraykanka ee Daarusalaam Magaalada Nairobi ee Xarunta dalka Kenya.
Waana ninkii ugu horeeyay oo ay Al Shabaab toogtaan kuna eedeeyaan in uu yahay nin jaajuus ah oo u shaqaynayay sirdoonka wadanka Marayknka islamarkaana ay soo bandhigaan filin uu kaga hadlayay waxyaabihii uu u qaban jiray Sirdoonka Maraykanka.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya.
NALA SOO XARIIR Webmaster@shabelle.net
