Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa maanta kormeer howled ku tegay dekedda weyn ee magaalada Muqdisho iyo Bankiga dhexe ee Soomaaliya.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa safarkiisa ku wehlinayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhigga Mudane C/xakiin Maxamuud Xaaji Fiqi waxayna mas’uuliyiintani u kuur galayeen habsami u socodka howlaha dekedda iyo qeybaha maamulka.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulan la qaatay madaxda Dekedda oo ay ka mid ahaayeen Wasiir kuxigeenka Wasaaradda Gaadiidka Badda iyo Dededdaha C/qaadir Xaaji Maxamed Sudlan, Maareeyaha Dekedda Siid Cali, Maareeye kuxigeenada iyo madaxda Kastamka lacagaha.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa madaxdan ku booriyay inay u shaqeeyaan si daacadnimo ku jirto isla markaana ay dhowraan ammaanadda ka dhaxeysa ummadda oo ay iyagu maamulayaan, wuxuuna u caddeeyey inay ku faraxsan yihiin sida ay howshu u socoto iyo kororka dakhliga ka soo xaroonaya bilihii ugu dambeeyey Dekedda.
Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu kaloo kula dar daarmay inay horumariyaan qeybaha kala duwan ee adeega dadweynaha si ay u sahlanaadaan howlaha Dekedda sida rarista iyo dejinta badeecooyinka, isagoo u balan qaaday intii karaankeeda ah in xukuumadu wax la qaban doonto.
Sidoo kale, kormeer uu ku tegay Bankiga dhexe ee Soomaaliya ayuu kula kulmay Guddoomiyaha Bankiga dhexe C/llaahi Xaaji Jaamac Cali iyo saraakiisha kale ee Bankiga, isagoo sidoo kale Ra’iisul Wasaaruhu kula dardaarmay inay dhowraan hantida shacabka ayna ka hor tagaan wax kasta oo musuq maasuq ah maadaama dalka Soomaaliya qiimeyn la sameeyey ay kaalinta koowaad ka gashay Musuq maasuqa.
“Waad la socotaan dalka Soomaaliya qiimeyn la sameeyey sanadkii 2010 wuxuu galay kaalinta koowaad ee musuq maasuqa, waxaana dooneynaa in arrintaasi aan ka hortagno cid kasta oo ammaano loo dhiibana waa inay si ALLE ka cabsi leh u xafidaa” ayuu ku yiri isagoo ugu dambeyntiina soo kormeeray qeybaha lacag qabashada iyo lacag bixinta ee Bankiga.