
M/weynaha dalka Libya Col Mocmmar Al-Gadhafi oo hadal ka jeediyay kulan madaxeedka midawga Africa ee magaalada Addis-Ababa ayaa sheegay in dawladiisu ay tababaro siin doonto ciidamada dawlada KMGS si ay awood ugu yeeshaan inay amaanka dalka sugaan.
M/weyne Gadhafi waxaa uu sheegay inay diyarinayaan inay tababaraan cutubyo ka tirsan ciidamada dawlada oo Police iyo Military iskugu jira taasoo keeni karta buu yiri in laga kaaftoomo ciidamo nabad illaalin ah oo Somali la keeno waxaana uu sheegay inay bilaabi doonaan tababarida ciidamadaasi bisha March ee sanadkaan.
M/weynuhu waxaa uu sheegay in ciidamadaasi ay u tababari doonaan difaaca xarumaha dawlada iyo sugida amaanka waxaana uu sheegay in haddii ay ciidamada dawladu helaan tababaro iyo xaquuq aan loo baahnaan doonin ciidamo ajanabi ah oo Somalia ka hawl gala.
Col Mocmmar Al-Gadhafi M/weynaha Jamhuuriyadda Libya waxaa uu sheegay in madaxda caalamku isku mashquulinayaan arrimaha burcad badeeda iyo waxa argagixisada loo yaqaan hase ahaatee waxaa uu sheegay in besha caalamka, Q,M iyo Midawga Africaba loo baahan yahay inay si dhab ah u wajahaan xal u helida arrimaha Somalia isla markaana ay dawlada ku gacan siiyaan dhisida ciidamada qaranka Somalia.
Hadalkaan ka soo baxay madaxweynaha Libya ayaa imaanaya xilli ciidamada dawlada KMGS ay dhawr jeer tababaro ku soo qaateen wadamada Somalia dariska la ah iyo kuwa ee taageera dawlada.