Wasiirka Cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland oo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

quark
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 7820
Joined: Sat Oct 16, 2010 1:22 pm
Location: Xarunta Xisbiga Gooni Isu Taaga Dal udug

Wasiirka Cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntland oo

Post by quark »

Waxaa maanta ka dhacday xarunta Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Dawladda Puntland Xilwareejin kaas uu sameeyey Wasiirki hore Xassan Cabdi Maxamed iyadoo uu ku wareejiyey Wasiirkii dhowaan la magacaabay Eng.Maxamuud Xaaji Saalax.

Munaasabadaan xilwareejinta ayaa waxaa ugu horeyn ka hadlay Wasiirkii hore ee wasaarada Beeraha iyo Waraabka Mudane Xassan Cabdi Maxamed kasoo sheegay in wasaarada xiliguu yimid ay ahayd meel cusub wax badan ay qabteen mudadii ay joogeen.

Wuxuu sidoo kale sheegay in intaa ka dhiman ay kasii wadi doonaan Wasiirka cusub iyo shaqaalaha wasaarada,wuxuuna xusey in xilka uu yahay meerto oo qofka maanta jooga bari laga badalaayo uuna ku faraxsanyahay badalkaa uu ku sameeyay Madaxweynaha Puntland.



Wasiirka Cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Eng.Maxamuud Xaaji Saalax oo isna ka hadlay munaasabada ayaa mahadcelin ujeediyey howsha uu qabtay Wasiirki hore iyo Xilwareejinta qaabka uu u sameeyey,wuxuuna sheegay inuu dadaal u geli doono wax ka qabashada howlaha loo igmaday.

Wuxuuna ka codsaday dhamaan Shaqaalaha Wasaaradda qaabka ay ula shaqeyeen Wasiirki hore ay ula shaqeeyaan.

Munaasabada Xilwareejinta ee maanta ka dhacay Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntland ayaa waxaa goobjoog ka ahaa masuuliyin kala duwan.
User avatar
damu
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 3373
Joined: Sun Aug 15, 2010 9:24 pm
Location: PL National Socialist Party

Re: Wasiirka Cusub ee Wasaarada Beeraha iyo Waraabka Puntlan

Post by damu »

good move!!
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”