TFG soldiers defect to Alshabaab
Posted: Wed Feb 02, 2011 8:17 am
Askar ka tirsan DKMG oo u goostay Shabaabka Baladxaawo
Baladxaawo:(Sh. M. Network) Dhowr askari oo dowladda KMG Soomaaliya loogu tabarayay dalka Kenya ayaa isku soo dhiibtay Maamulka Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab ee ka aramiya degmada Baladxawo ee gobolka Gedo.
Askartaan soo gaartay Maamulka degmada Baladxaawo ee Xarakada Al Shabaab ayaa waxaa ay ka mid ahaayeen askar mudooyinkii dambe dowladda KMG Soomaaliya looga tababarayay maagaalada Siyola ee Woqooyiga dalka Kenya.
Gudoomiyaha degmada Baladxawo ee Xarakada Al Shabaab Cali Max’ed Axmed oo la hadlay warbaahinta goblka Gedo ayaa waxaa uu sheegay in askartaani goor hore ay kusoo wargaliyeen islamarkaana sida uu sheegay Al Shabaab ay qaabliyaan hadii ay towbad keenaa sida uu hadalka u dhigay.
Askarta ka kala tirsan dowladda KMG Soomaaliya iyo Ururka Shabaab ayaa inta badan waxaa ay u kala baxsadaan labada dhinac iyadoo markii ay saraakiisha gacanta u galaan durbadiiba saxaafada kula hadalsiiya goobta ay ku sugan yihiin.
Aqriso oo la soco Shabelle.net Saacad Walba si aad u hesho wararkii ugu dambeeyay ee Soomaaliya