
Gananacsatada Hilibka magaalada Baydhabo ayaa manta magaaladaasi ka oogay dibadbax ka dhan ah Maleeshiyaadka Shabaab oo amar ku soo rogay Kawaanka Hilibka ee magaaladaasi.
Ganacsatada ayaa socod ku soomaray wadada 30-ka ee magalada Baydhabo iyo Afar irdoodka iyagoo ku qeylinayay doonimeyno cunaqabateynta nala saaray iyo ereyo kale oo ka dhan ah Shabaab, waxaana markii danbe kala ceyriyay dadkaasi Maleeshiyadka $habab oo xabado dhinac walba ugu furay.
Ganacsatadan ayaa ka careysnaa amar ay soo saareen kooxda Shabaab oo ahaa in maalinkii 3 Neef oo Geel ah kabadan aan laqali Karin, islamarkaana ay bixiyaan lacag aad ufarabadan taasoo aanay ganacsatadu awoodin waxeyna ku tilmaameen go’aankaasi mid lagu cuuryaaminayo ganacsigooda islamarkaana sicirbarar ku kicinkarta bulshaweynta magaalada Baydhabo.
dhawaan ayaa Maleshiyada Shabaab waxey tageen Kawaanka ugu weyn magaalada Baydhabo iyagoo u sheegay Ganacsatada Hilibka in amaradooda lagu shaqeyn doono wixii xiligaasi kadanbeeya.
Al-Shabaab are still forcing the maskeen shacab for things that they can't provide, since when did our religion state that people have to be forced????? Subxannallah



