Wasiirka wasaaradda Maaliyada Dawladda Puntland Faarax Cali Shire ayaa maanta xariga ka jaray mashruuc cusub oo lagu magacdaray SIDP kaas oo ah sidii kor loogu qaadi lahaa aqoonta maamulka iyo maareynta Shaqada iyo Shaqaalaha.
Munaasabad ka dhacdey maanta magaalada Garoowe ayuu xariga kaga jaray mashruuca,waxaana kasoo qaybgalay masuuliyin uu kamid yahay Wasiirka Qorsheynta iyo Xirrirka Caalamiga Dr.Daa’ud Maxamed Cumar iyadoo mashruuca ay soo qaban qaabisay Hay’ada Qaramada Midoobay ee horumarinta UNDP.
Wasiirka Maaliyada Puntland oo ka hadlay munaasabada ayaa sheegay in mashruucaan uu yahay mid loogu talagalay in lagu hormariyo dhaqaalaha Puntland iyadoo ay fulinayaan dad gaaraya 14-qof oo u kala qaybsan kuwa soo qalanjebiyey iyo kuwa ku takhsusay.
Sarkaal ka tirsan Hay’ada UNDP isla markaana madax ka ah mashruucaan oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Yuusuf ayaa sheegay in mashruucaan dhowr jeer uu baaqday balse mar kale la keenay sanadkii 2009 iyadoo lagu guuleystay sanadkii tegay ee 2010 hadana lasoo bandhigay.
Mashruucaan ayaa ah mid dadka loogu tabbabari doono sida loo maareyn karo dhaqaalaha iyadoo ay noqonayso markii u horeysay laga hirgeliyo degaanada Puntland.
Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland