Somali goverment talks underway with Puntland

Somali government affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Coeus
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11709
Joined: Fri Nov 19, 2010 6:59 pm
Location: Assisting the Mujahideen in Galgala to free their region

Somali goverment talks underway with Puntland

Post by Coeus »

Image


Warar lagu kalsoon yahay oo ku dhow dhow Guddoomiyaha Golaha Baarlamaanka Federaalka KMG ah Md. Shariif Xasan Sh. Aadan ayaa sheegaya in saacadaha soo socda uu u ambabaxo magaalada Garowe, iyadoo socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka KMG ah ay socdaalkiisa ku wehlinayaan qaar ka mid ah Xildhibaanada ka soo jeeda Puntland ee ku jira Golaha Baarlamaanka iyo xubno ka tirsan Dowladda KMG ah.

Socdaalka Shariif Xasan ee magaalada Garowe oo magaalada Muqdisho ay ka wadeen Mudanayaal iyo madax ka tirsan xukuumadda, kuwaasi oo iyagu dadaal ugu jira sidii uu Shariif Xasan u booqan lahaa magaalada Garowe, isla markaasina madaxda dowlad goboleedka Puntland uu kulamo ula yeelan lahaa.

Ujeedada socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku tegayo magaalada Garowe ayaa la sheegayaa inay isugu jirto dhowr arrimood oo ay ugu weyn tahay sidii uu xiriir siyaasadeed ula yeelan lahaa madaxda Puntland, isla markaasina xubnaha Baarlamaanka ugu jira goboladaasi taageero uga heli lahaa.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka KMG ah oo aan wax ka weydiinay socdaalka Shariif Xasan ee magaalada Garowe, ayaa sheegay inay wararkaasi maqleen inkasta oo aanay wax faahfaahin ah ka bixin, hase yeeshee Xildhibaanadu waxay sheegeen in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu dadaal ugu jiro sidii mar uu masraxa siyaasadeed ugu sii jiri lahaa.

Dhinaca kale Haddiiba ay dhacdo socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka uu ku tegayo magaalada Garowe ayaa tallaabadaasi waxay muujineysaa khilaafka u dhaxeeya labada Shariif, bacdamaa dhowaan maamulka Puntland uu kalsoonida kala noqday Dowladda KMG ah, isla markaasina ku eedeeyay Madaxweyne Shariif in xukuumadiisu ay fashilantay.
User avatar
LooxJiid
Posts: 220
Joined: Tue Feb 22, 2011 9:16 am
Location: Caasimadda

Re: Somali goverment talks underway with Puntland

Post by LooxJiid »

Shariif Xasan waa libaax. :clap: :clap: :clap:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somali Government”