Wefti Xildhibaano Talyaani Ah Oo Socdaal Ku Yimid Somaliland
February 4th, 2011 Comments Off
“Dowladda Talyaaniga xidhiidh badani kama dhaxayn Somliland, haddase waxa is bedel ku yimid siyaasadda wadamada Yurub”
Hargaysa (Somaliland.Org)- Wefti uu Hoggaaminayay Mr. Gayni Vernetti oo ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka dalka Talyaalinaga horena u ahaan jiray wasiirka arrimaha dibadda ee dalkaasi iyo Wefti uu hoggaaminayay oo ka koobnaa shan xubnood oo isugu jiray Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka iyo Suxufiyiin, ayaa maanta booqasho ku yimi dalka Somaliland. iyada oo weftigaasi uu xafiiskiisa ku qaabilay Wasiirka arrimaha dibada Somaliland Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar.
Socdaalka weftigan ayaa qaadan doona muddo laba cisho ah, waxaanay mudada ay joogaan la kulmayaan Wasiirro, Madaxweynaha Somaliland iyo Goleyaasha Baarlamaanka Wakiilada iyo Guurtida.
Mr. Gayni Vernetti, oo u waramayay saxaafadda ayaa sheegay in Dawlada Talyaaniga iyo Midowga Yurub ay wali taageersan yihiin dawlada Ku meel gaadhka ah ee dalka Somalia, isla markaana ay ka dhursugayaan inay dalkaasi qalalaasuhu ka jiro ee Somalia wax ka hagaagaan.
“Labaatankii sanadood ee la soo dhaafay waxay Somaliland noqotay qaran dimuqraadi ah, oo Nabadgelyo iyo badbaado ka jirto, oo samaystay doorashooyin dimuqraadi ah iyo madaxweyne La soo doortay, arrinta Somaliland waa mid xaqiiqo iyo waaqac ah, oo aan jecalahay inay bulshadu xidhiidh toos ah la yeelato.
Mr. Gayni Vernetti, oo la weydiiyay in Talyaanigu aanu hore xidhiidh ula lahayn Somaliland socdaalkiisani noqon karo in siyaasaddii dalkiisa wax iska bedeleen, wuxuu sheegay in wada shaqaynta Somaliland iyo dalkiisu uu bilow fiican u yahay booqashadiisani.
Dhinaca kale, Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland oo saxaafadda u waramayay kadib kulan gaaban oo uu la yeeshay weftigan, ayaa sheegay in ay xukuumad ahaan soo dhawaynayaan masuulkan iyo weftigiisaba, iyada oo wasiirka arrimaha dibada Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar weftigan u soo bandhigay Khariirad ay samaysay dowladda Talyaanigu muddo laga boqol sanno ka hor ama hal qarniba. taas oo ka turjumaysa sida ay xudduudihii Somaliland iyo Soomaaliye wakhtigii isticmaarka, taas oo muujinaysa in ay kala ahaayeen laba dal oo kala madax banaan.
Wasiirka oo ka hadlayay weftigan wuxuu yidhi “Farxad ayay inoo tahay guud ahaan qaranka Somaliland inuu maanta halkan inala joogo Mr. Gayni Vernetti oo ka tirsan Baarlamaanka dowladda Talyaaniga, horena u ahaan jiray xubin ka tirsan golaha wasiiradda Talyaaniga, gaar ahaan wasaaradda Arrimaha dibadda, arrintani waxay markhaati cad u tahay isbedelka xagga fikirka ah ee ku yimi beesha caalamka ee ku wajahan Somaliland.”
“Dowladda Talyaaniga xidhiidh badani kama dhaxayn Somliland, haddase waxa is bedel weyni ku yimid siyaasadda wadamada Yurub ee aad u daneeya arrimaha dimuquraadiyadda, nabadgelyada iyo horumarka xaga dhaqaalaha iyo binu-aadminimadaba. waa arrin farxad leh, waxay ka turjumaysaa in rabitaanka, dedaalka iyo hawl gallada ay bulshada reer Somaliland ay la yimaadeen, in ay soo dhawyn iyo aqbalaadba ka heleen beesha caalamka, waana arrin aanu aad ugu faraxsanahay.”
Cumar Maxamed Faarax
Somaliland.Org/Hargeysa
Italian delegation visits the republic of Somaliland
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
- Cirwaaq
- SomaliNet Super
- Posts: 6472
- Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
- Location: Event Horizon periphery... HIILumination
Re: Italian delegation visits the republic of Somaliland
Italy is a self serving country and it's primary concern is the influx of refugees from somalia. It is an opportunity for them to evaulate the potential benefit of creating a sustainable peace in somali proper. Their initial position is to defend the position of the TFG and promote the agenda of the TFG. Where that is fruitless perhabs they will offer to introduce an Aid package which will over time give them the opportunity to have some political enfluence.
I would say take that finiancial aid and offer it to an IGad or AU member who will then Looby for SLand.
I would say take that finiancial aid and offer it to an IGad or AU member who will then Looby for SLand.
Re: Italian delegation visits the republic of Somaliland
It's funny how the italians suddenly visited somaliland just after a week Farmaajo had a meeting with italian officials. Somaliland should tread carefully when it comes to the sly mafia boys.
-
- SomaliNet Super
- Posts: 8363
- Joined: Tue Dec 23, 2003 7:00 pm
- Location: H-Town in Somaliland
Re: Italian delegation visits the republic of Somaliland
Don't trust them.
Italy should stay out of Somaliland issues.

Re: Italian delegation visits the republic of Somaliland
Dhaga Bacayl wrote:Don't trust them.Italy should stay out of Somaliland issues.

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 3 Replies
- 809 Views
-
Last post by Cirwaaq
-
- 11 Replies
- 1055 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 15 Replies
- 1469 Views
-
Last post by juzme123
-
- 5 Replies
- 1409 Views
-
Last post by theyuusuf143
-
- 1 Replies
- 626 Views
-
Last post by Abdi-Samatar
-
- 5 Replies
- 1223 Views
-
Last post by The_Emperior5
-
- 14 Replies
- 2205 Views
-
Last post by mahoka
-
- 68 Replies
- 4513 Views
-
Last post by Awe
-
- 0 Replies
- 423 Views
-
Last post by gemini07