Wasiirka Warfaafinta Xaabsade

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
AsadSL
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2899
Joined: Sun Mar 21, 2010 2:31 am
Location: Oodweyne

Wasiirka Warfaafinta Xaabsade

Post by AsadSL »

Hargeysa -(Qori)- Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta ee JSL Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maanta kormeer hawleed ku soomaray Qaybaha kala duwan ee ay Wasaaradda warfaafintu ka kooban tahay.

Warkan oo aanu ka helnay wakaalada wararka ee SOLNA ayaa intaa ku daray in wasiirka Warfaafintu Md. Axmed Cabdi Xaabsade uu warbixin ka dhegeystay ku simaha Agaasimaha guud ee Wasaaradda Warfaafinta ahna Agaasimaha Waaxda Idaacadda Maxamed Siciid Muxumed.

Wasiirku waxa uu soo maray qaybaha Warlaliska iyo Studioyayaasha Telefishanka, Idaacadda, wakaalada wararka ee SOLNA iyo qaybaha kala duwan ee Qolka Kaydka Hadalka Radio Hargeysa. Waxaana wasiirku uu Mid kasta warbixino kaga dhegeysanayay masuuliyiinta ka hawl gasha goobahaas.

Kusimaha Agaasimaha guud ee wasaaradda warfaafinta Maxamed Siciid Muxumed ayaa wasiirka sharaxaad ka siiyay baaxadda ay leedahay hawsha ay qabtaan shaqaalaha warfaafintu isla markaana ay u dhabar adaygaan sidii ay u xoojin lahaayeen hawlaha ay qaranka u hayaan.

Wasiirka wasaaradda warfaafinta iyo wacyi gelinta JSL Md. Axmed Cabdi Xaabsade ayaa amaan u soo jeediyay dhamaanba shaqaalaha iyo masuuliyiinta wasaarada warfaafinta ee dadaalka ugu jira xil gudashada iyo waajibaadka shaqo ee ay hayaan, waxaanu ku boorriyay in ay dardar geliyaan hawlaha ay umadda u hayaan si loola jaanqaado isbedelka lagu horumarinayo Wasaaradaha iyo laamaha kala duwan ee Dawlad
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”