Post
by FBISOMALIA »
Xaflad siweyn loosoo agaasimay oo ee soo qaban qaabiyeyn ururka ardadda puntland ee dalka sudan ayaa kadhacday habeenimadii xalay hoolka weyn ee shirarka oo lagu magcaabo (madaaris alqabas) kunayaalla bartamaha magaaladda Khartoum ee caasumadda dalka Sudan.

Xafladan ayaa waxa kasoo qaygalay dhamanba ururdda dhalinyaradda soomaaliyey ee kajira dalkan sudan hadee ahaan ha,ahaato kuwo cilmi,ah iyo kuwo bulshobay.Wexeena ahayd mid loogu talagalay soodhoweynta arddada cusub iyaddo kusoo aday xilwareejin ee lakala wareegayeen xubnihii xilka horay uhayey iyo kuwa cusub, kadib markii dhowaan laqabtay doorasho nooceeda ookale aan hora ardadda dhexdeeda looga oqoon oo dimuqraadiyad kusalaysan islamarkaasna ahayd nin iyo codkiis (one vote one man).

Waxaa kamid ahaa dadkii meesha kahadlay manduubka wasaaradda waxbarshadda puntland ee dalka sudan Eng: Saleebaan Jamac cali waxana uusheegay inee sanadkan soogaareen dalka Sudan inkabadan boqol arday oo kakalayimi dhamaanba goboladda puntland usagoo ugu baaqay ardadda cusub inee guntiga dhiisha iskagaadhigaan ogaadanna in how culusi sugeeso. Dhanka ururadda xafladda lagu marti qaaday waxa uhadlay gudoomiyaha ururka ardadda SomalilandC/raxman Shire. usagoo bogaadin kadib ugu baaqay dhamanba ardadda soomaaliyeed is kuduubni, wuxuuna ku amaanay puntland nadaamkeedda iyo hogaaminta wanaagsan.Dhanka ururka puntland waxa kahadlay gudoomiyihii hore maxmed muuse xuseen wuxuuna udardarmay xubna xusub ee xilka lawareegay wadashaqayn iyo waxqabad.Ugumanayntii waxa magra foonka lagusoodhoweyey gudoomiyaha cusub ee xilka loodoortay Maxamud cabdi daahir(BEDEL)iyadoo uu kahormuuqanayey calanka cusub ee puntland Mudane bedel waxa uu kunuuxnuuxsaday inee puntland soomaaliya kamidtahay eyna aaminsantahay nadaamka federalism canlankaninna uuyahay calankaturjumaaya federalism-ka.
Sikastaba ha ahaatee xafladan aya ahayd mid siweyn loo guriyaaqay dhamanba ardadda dhexdeedda la uguna amaanay dadka reer puntland dadka qaarkoodna eeba qireen inee jirto fegradkadamaysa oo ee kasoo xigteen ardadu waxqabadkan .