Xilkaqaadis Lagu Sameeyay Taliyihii Q.Bilayska Gobolka Bari

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Xilkaqaadis Lagu Sameeyay Taliyihii Q.Bilayska Gobolka Bari

Post by FBISOMALIA »

Image
Boosaaso(Puntlandi.com);- Wareegto ka soo baxday Taliyaha guud ee ciidamada Asluubta iyo Bilayska Puntland ayaa xilka looga xayuubiyay Taliyihii Q.Bilayska Gobolka Bari iyo xigeenkiisii.

Col.Cali Nuur Cumar Taliyaha guud ee Bilayska Puntland ayaa Taliyaha Qaybta Bilayska Gobolka Bari umagacaabay G /sare Siciid Jaamc Hurun Taliya xigeena waxaa loo magacaabay Axmed Jaqanaf.

G /sare Siciid Jaamc Hurun Taliyaha cusub ayaa soo dhaweeyay xilka loo magacaabay waxaana uu balanqaaday in Bulshada ushaqayndoono kana soo bixidoono hawlaha loo egmaday.

Waxaa uu umahadceliyay masuuliyiintii ka horeeyay sida ay u soo shaqeeyeen waxaana uu sheegay in xilka meerta yahay maalinba shaqsiqabanayo.

Xilka qaadista lagu sameeyay Taliyaha ayaa ah mid maalmihii udanbeeyay lahadal’hayay waxaana wararka qaar sheegayaan in hordhac utahay isku shaan’dhayn lagu samaynayo Q.Policka Puntland ee Gobolada.

Warka ayaa intaa ku daraya in dhawaan sidoo kale isbadal lagu samayndoono Taliska Qaybta Bilayska Gobolka Mudug.

Puntlandi.com Boosaaso.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”