Nibirigaan oo maanta kusoo caaryey xeebta magaalada Boosaaso ee xarunta G/Bari ayaa lagu guulaystay in dib loogu celiyo gudaha badda.
Badbaadinta Nibirigaan ayaa si wada jir ah waxaa uga qayb qaatay maamulka Puntland,ganacsato iyo dadweynaha kunool gudaha magaalo ganacsiga Puntland ee Boosaaso kuwaasi oo u adeegsaday doonyo si dib loogu celiyo badda.
Ifraax Xasan oo ah haweenka ku gacsada gudaha dekedda Boosaaso ayaa Horseed Media u sheegtay in ay indhaheeda ku aragtay Nibirigaan xili ay usoo shaqo tagtay dekedda oo ay ku iibiso Kalluunka.
Waxay kaloo sheegtay in Nibirigaan uu biyaha badda ku dhawaad qiyaastii 6-mitir ka koreeyo kaasi oo u baahan in dib loogu celiyo badda balse waxay rajo wanaagsan ka muujisay in maamul,ganacsato iyo dadweynaha Boosaaso ay isku xilqaameen in ay dib ugu celiyaan gudaha badda .
Nibirigaan oo noociisu yaha madaw ayaa xili danbe oo galabtay ah dib loogu celiyey badda,waxaana sida dad goob joogayaal ah ay u sheegeen Horseed Media in Nibirigaan xeebta Boosaaso ay keeneen rag kalluumaysato ah oo sida la sheegay uu u galay shabaagyo ay dhigteen gudaha badda oo ku Kalluumasanayeen taasi oo keentay in Nibitgu uu galo shabaag ka mid ah kuwa la dhigay sidaasina uu kusoo caariyey xeebta.
Waxaana lagu qiyaasay balaca Nibirigaan hal iyo bar,dhererkana afar iyo bar,kaasi oo dadweynihii usoo daawasho tagay ay aad ula yaabanaayeen.
Xayawaankaan ayaa sida la sheego wuxuu yahay mid had iyo jeer u taagan in uu wax badbaadiyo waana mida keentay in isaga la badbaadiyo oo dib badda loogu celiyo.
