Culimaa’udinka Puntland oo Baaq Kasoo Saarey Dagaalkii cayn

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Culimaa’udinka Puntland oo Baaq Kasoo Saarey Dagaalkii cayn

Post by FBISOMALIA »

Culimaa’udinka ku dhaqan degaanada Puntland ayaa baaq kasoo saarey dagaal dhowaan ka dhacay degaanka Kalshaale ee gobolka Ceyn kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac.

Qaar kamid ah Culimaa’udinka Puntland ayaa kulan ku qaatay magaalada Garoowe ee caasimada Puntland oo ay kaga hadlaayeen dagaalkaas iyagoo sheegay in ay kasoo horjeedaan.

Sheikh Cabdulqaadir Nuur Faarax oo kamid ah Culimaa’udinka ugu waaweyn ee Puntland oo maanta la hadlaayay Saxaafada ayaa sheegay in ay aad uga xunyihin dagaalkaas,iyagoo ku baaqay in dib uusan usoo noqon.

Sidoo kale wuxuu sheegay in ay ugu baaqayaan labada dhinac ee dagaalamay in ay joojiyaan dagaalka isla markaana xil adag iska saaran in uusan dagaalka dib uusan noqon.

Sheikh Cabdulqaadir ayaa sidoo kale tilmaamay in kharash badan uu ku baxaayo dagaalka isagoo codsaday in dhibta soo gaaraya dadka degaanka laga dulqaado.

Dagaalkii ka dhacay degaanka Kalshaale ayaa waxaa ku dhintey ugu yaraan saddex ruux,waxaana uu ka dambeeyey kadib markii Ciidamo ka tirsan maamulka Somaliland ay weerar kusoo qaadeen halkaas.

Maxamed Siciid Yuusuf
Wakiilka Horseed Media
Garoowe,Puntland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”