Qoraal Laga Saxiixay Odayaasha Gobolka Mudug

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Qoraal Laga Saxiixay Odayaasha Gobolka Mudug

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);- Kulan balaaran oo maalmihii udanbeeyay ay qaadanayeen mamulka Gobolka Mudug iyo Odayaasha guud ahaan beelaha daga Gobolka ayaa lagu soo bandhigay qoraal ka soo baxay Dawlada Puntland kaa oo katurjumaya talaabada laga qaadayo shaqsiyaadka lagu soo qabto falalka amaandaro ee Gobolka ka dhaca.

Kulanka ayaa galay maalintii labaad waxaana odayaasha loo soo jeediyay in ay saxiixaan qoraalka waxaana ku cadaa in Dawlada talaabo adag ka qaadayso dadka lagu soo qabto falalka amaandaro odayaashana looga baahanyahay in aysan wax luga ku’lahaa ama hab dhaqan u soo dabagalin.

Odayaasha ka qaybgalay kulanka ayaa qaybtoodii u horaysay saxiixeen waxaana ay noqonaysaa talaabadan hadii ay dhaqangasho mid lagu sugikaro amaanka Gobolka.

Godomiyaha Gobolka Mudug Col.Axmad Cali Salaad ayaa ugu baaqay odayaasha in ay soo xaadiraan kulamadan waxaana uu ku booriyay guud ahaan odayaasha beelaha daga Gobolka in ay saxiixaan qoraalkan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”