Gaalkacyo (RBC Radio):- Wafdi balaaran oo ka tirsan Dowladda FKMG Soomaaliya ayaa maanta goor hore soo gaarey magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug.
Xubnaha Wafdigani oo ahaa dhamaantood Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka FKMG Soomaaliya oo ay weheliyaan siyaasiyiin kale ayaa ka soo degay Garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo waxayna saacado kooban kadib u gudbeen magaalada Garowe ee caasimada Dowladda Puntland.
Ujeedada wafdigani ay u soo gaareen Puntland ayaa la sheegay in ay tahay la tashi ay la leeyihiin Madaxda Puntland, waxaana wararku intaa ku darayaan in wafdigani uu horkacayo C/risaaq Jurille oo horey uga tirsanaa Xukuumadii Ra’isulwasaare Sharma’arke haatana ah Xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka FKMG Soomaaliya.
Siyaasiyiintani ayaan la shaacin inta ay tiro ahaan yihiin, mana jirto hadal ay warbaahinta siiyeen ilaa iyo iminka, dowladda Puntland na ka ma war bixin wafdiga u yimid iyo ujeedada socdaalkooda.
Imaatinka Wafdigani heer Federaalka ah ayaa ku soo beegmaya xilli Puntland ay mowqif cad ka istaagtay Dowladda FKMG Soomaaliya isla markaana maamulka Puntland madaxdiisu ay ku dhawaaqeen in aysan garoomada diyaaradaha Puntland ka soo degi karin shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta dowladda FKMG Soomaaliya.
RBC Radio.
Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda FKMG Soomaaliya Oo Puntland
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super

- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Mas’uuliyiin Ka Tirsan Dowladda FKMG Soomaaliya Oo Puntland
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 6 Replies
- 759 Views
-
Last post by paidmonk
-
- 2 Replies
- 660 Views
-
Last post by Rabshoole
-
- 0 Replies
- 627 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 510 Views
-
Last post by SANDIEGUY
-
- 2 Replies
- 570 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 3 Replies
- 565 Views
-
Last post by AhlulbaytSoldier
-
- 0 Replies
- 299 Views
-
Last post by Ducaysane_87
-
- 0 Replies
- 636 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 10 Replies
- 1149 Views
-
Last post by TheGrumpyGeeljire