Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid a SSC

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

SLJOOFAY
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 419
Joined: Mon Aug 23, 2010 5:42 pm
Location: Somaliland my home

Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid a SSC

Post by SLJOOFAY »

Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid Ahaa Maleeshiyadii Soo Weerartay Ciidanka Qaranka Somaliland Iyo Kooxo Ka Tirsan Al-Shabaab, ONLF & Ciidamada Puntland Oo Ka Qayb Galay Dagaalka
(Hadhwanaagnews) Tuesday, February 08, 2011

(HNW) – Waxa magaalada Buhoodla Xalay Fiidkii lagu Aasay 16 qof oo ka mid ahaa Maleeshiyadii soo weesrartay Ciidamada Qaranka Somaliland shalay subax, iyadoo la sheegay inay ka soo qaybgaleen weerarkaasi kooxo ka tirsan Al-shabaab, ONLF iyo Ciidamo ka tirsan Puntland.


Dagaalkan oo ku bilaabmay weerar gaadmo ah oo Maleeshiyada Buhoodle ay shalay subax ku soo qaadeen ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay deegaanada Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale ee aaga deegaanada Buhoodle ayaa waxa ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba isugu jira oo labada dhinac soo gaadhay, waxaana la xaqiijiyey in dhinaca Ciidamada Qaranka Somaliland ay kaga dhinteen 4 Askari, halka ay 12 Askarina ay kaga dhaawacmeen, 2 kalena la layahay.

Maleeshiyada Buhoodle ayaa la sheegay in dhinacooda ay dagaalkaasi kaga dhinteen 16 qof, 24 kalena ay kaga dhaawacmeen, 14 kalena Maxaabiis ahaan looga qabtay.



Dagaalkan oo ka dhacay Deegaanada Maygaagle, Hagoogane iyo Kalshaale oo ay Maleeshiyada Nabad-diidka Buhoodle ay Ciidamada Qaranku Eryadeen ilaa duleedka Buhoodle ayaa ilo wareedyadu intaa ku dareen in Maleeshiyo ka tiran Puntland ay dagaal kale oo weerar ah ku soo qaadeen Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhigoodu yahay Jiida Gambadha ee xadka Tuka-raq ee gobolka Sool, halkaas oo la sheegay in ciidamadu iska Caabiyeen Maleeshiyadii soo weerartay.

“6:30-kii subaxnimo ayaa ciidamo faro badan oo PM-yo, Madaafiic iyo Taangiyo wata ayaa na soo weeraray waana niman Somaliland diid ah, waxaanay wateen Al-Shabaab iyo dad kale oo noocyo badan, dagaalkuna shan sacadood buu socday, afar Askari wey naga dhinteen 12-na wey dhaawacmeen, afar iyo toban Maxbuus waanu ka haynaa, markii aanu eryanay ee Buuhoodle gudaheeda ay galeena waanu ka soo noqonay, nabad diidku waa kuwa sheegtay SSC ee Buuhoodle jooga, haday nimankaasi dadku iska saari waayaan dhibaatadeedu wey badan doontaa, dad shicib ahi Taangiyo iyo Atalari ma wataan, raga hubka ku dagaalamaya waa la garanayaa cida ay yihiin.”

Sidaasi waxa yidhi Taliyaha Guud ee Ciidanka Qaranka Somaliland General Nuux Ismaaciil Taani Oo La hadlayey Warbaahinta.



Dhinaca kale Chief Caaqil Maxamuud Cumar Camay oo ka mid ah isimada reer Buuhoodle oo aanu khadka Telefoonka kula xidhiidhnay xalay isaga oo jooga Buuhoodle, ayaa Wargeyska Haatuf u xaqiijiyey, isla markaana qiray in Dagaalkaasi Maleeshiyadooda Buhoodle ay kaga dhinteen 13 qof, kagana dhaawacmeen 24 qof, halka dhamaantoodna la keenay magaalada Buhoodle, isagoo arimahaasi ka hadlayana waxa uu yidhi “Labada dhinacba dhimashadu way badan tahay, xaga Buuhoodle waxa la keenay 13 Meyd ah iyo labaatameeye dhaawac ah, dagaalku wali ma joogsane casarkiibaa la kala nastay, dagaalku waxa uu ka dhacay gudaha Hagoogane ee Ciidanka Qaranku fadhiyey, PM lama ridin ee ciidanka qaranka ayaa iyagu hub kasta nagu riday, markii dambe ayaa iyagana lagu riday Madaafiic, laakiin qori PM ah oo lagu riday ma jiro, meel lagu ridaba ma hayno, SSC ma jirtee cida dagaalamaysaa waa Dhulbahante, arintuna Habar-Jeclo iyo Dhulbahante ayuun bay taagan tahay, dagaalkan sida loogu talo galay sanad buu socanayaa mana qabo inuu joogsanayo”.


Dhinaca kale ilo aanu ka helay deegaanka Buhoodle ayaa noo xaqiijiyey in dagaalkaasi ay Maleeshiyada Nabad-diidka Buhoodle ay soo qaaday uu ka mid ahaa saraakiishii hogaaminayey Abokor Sulub Dhabdhable oo ahaa muddo Dheer Taliyihii hore ee Ciidanka ilaalada Madaxtooyada Somaliland oo la sheegay inuu ka dhex muuqday isaga iyo dirawalkiisii oo lagu magacaabo Cismaan Caato.

Xigasho Haatuf.
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid a SSC

Post by Cirwaaq »

I heard a Rumour that 500 troops that broke away from the ASWJ in Galmudug who recently recieved heavy weapons from Ethiopia joined forces with the SSC.

If that is True we are back to All of Somalia Vs Somaliland :down:

May Allah protect all somalis from an all out war like that in the Sudan.
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid a SSC

Post by udun »

Habar dhali weydey Aleelo ku waalatay :lol: :lol:

iyadoo la sheegay inay ka soo qaybgaleen weerarkaasi kooxo ka tirsan Al-shabaab, ONLF iyo Ciidamo ka tirsan Puntland.
:lol: :lol:

It could not much desperate than this. Nuux Taani saying those words :shock:

The Secessionists junta (aka SL) suffered at least 63 killed and many wounded. It is just a beggining!
User avatar
Khalid Ali
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 32786
Joined: Mon Oct 18, 2004 11:03 am
Location: Suldaan Emperior Gacanyarihisa

Re: Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid a SSC

Post by Khalid Ali »

Lies. Lies lies sl lost four mujahidins. Dagaalka waxa la eega waxanu qiiranay i can now say the insurgents lost. Hundreds. But its not true thet lost. 12. Waa intay iyagu qiirteeen marka yaa Jabbay lool
User avatar
udun
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9018
Joined: Sat Apr 03, 2010 12:11 pm

Re: Buhoodle Oo Xalay Fiidkii Lagu Aasay 16 Ka Mid a SSC

Post by udun »

This is some of the dead of the Soomaalidiid militia:

http://www.radiolaascaanood1.com/page_v ... cleid=3935
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”