Haddaanu Nahay Reer Sool, Sanaag Iyo Cayn Kama Ogolin Inay Dhulkayaga Ka Taliyo Nabad-Diidku, Puntland Hadday Faraha Kala Bixi Weydo Way Ka Shalayn Doonaan”
Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade
Hargeysa, February 9, 2011 (Haatuf) - Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyi galinta Somaliland Axmed Cabdi Xaabsade ayaa maamul goboleedka Puntland ku eedeeyey inay faro-galinta ku hayaan Somaliland, kaas oo tilmaamay in Maleeshiyada Nabad-diidka Buuhoodle ee doraad weerarka ku soo qaaday Ciidamada Qaranka Somaliland ee fadhiya aaga Buuhoodle ay Maleeshiyada Puntland shidaal ku soo caawisay Maleeshiyada Buhoodle.
Wasiirka Warfaafintu waxa uu sidoo kale ugu baaqay Puntland inay joojiyaan farogalinta ay ka wadaan dhulka Somaliland, haddii kale ay ka qoomamayn doonaan.
Ugu horayn Wasiirka Warfaafinta Axmed Cabdi Xaabsade oo ka jawaabayey haddalkii ka soo yeedhay kooxda nabadiidka ah, waxa uu yidhi “Sida laga warqabo aaga Kal-shaale oo ah deegaanada Buuhoodle waxa ka dhacay dagaal ay iskaga hor yimaadeen Maleeshiyada nabad-diidka Buuhoodle iyo Ciidanka Qaranka Somaliland, dagalkaas dhaawac badan iyo dhimashaba wey ka dhaceen, xaga Buuhoodle waxa la sheegayaa 12 qof inay ka dhinteen, xagan Ciidanka Qarankana waxa dhintay shan qof, dhaawucuna wuu badan yahay dhinac kasta”.
S: Sideed u aragtaan dawlada ahaan dhibaatadan dhacaysa ee soo noqnoqotay, Wasiirka Warfaafinta ayaad tahay, odayna waad tahay siyaasiya oo oo deegaankaa waliba ka soo jeed?
J: Arintaas waxaanu u aragnaa, dagaalkaas dhacaya waxa wada nimanka nabadiidka ah ee isku sheega SSC reer Buuhoodle-na dhibaato ku haya, dadka reer Buuhoodle kuma jiraan dhibaatadaas manay ogolayn, ciidankaa (nabadiidka) uma ogola, ciidankaasina cid deegaanka ah oo cid ka wakiil ah maaha, dagaalkani wuxuu ka dhacay Kal-shaale oo uu madaxweynuhu laba jeer amar ku bixiyay inuu noqdo Xoolo daaqee, markii hore-na yidhi meeshaas daaqeen baanu ka dhigaynaa ciidamaduna ha ku kala dhex jiraan labada qolo, intaana biyaha ha ka sii cabeen, markii dambana markii taa lagu qanci waayay isagu gacantiisa ku amray kharashkiina la bixiyo, markii ay ogaadeen in sidaas la sameeyay oo amarkaasi baxay ayay dagaalka soo qaadeen, nimankaasina waa niman nabad diid ah, reer Buuhoodle-na niman matala maaha, reer Laascaanood-na ma matalaan qolo walba waxa ku hayaan dhibaato, haddii aanay dhibaatadaasi dhici lahayna reer Buuhoodle weyba eryeen oo umay ogolayn inay dhulka soo galaan.
S: Hogaamiyaha kooxda SSC Xaglatoosiye saaka mar uu BBC-da ka hadlay waxa uu sheegay inuu soo weerary ciidan beelaysani ay doonayaan in deegaankoodii ka qabsadaan, taas maxaad ka odhan lahayd?
J: Ciidankaasi isagaa wax weeraray ee lama weerarin, iyagaa ayaamahaas oo dhan weerarka hayay mar walba, iyagaa wax soo tuur-tuurayay mar walba iyagaa ciidanka la dagaalamayay, Xaglatoosiye-na madaxweynena maaha cidna masuul kama aha, mana ogolin inuu dhulka ka taliyo, haddaanu reer Laascaanood, Sanaag iyo Cayn nahay kama ogolin inuu dhulkaa ka taliyo, ciidankaasina ciidan jira oo na matala maaha, waxaanu ummada u sheegaynaa ciidankaasi (nabadiidku) inuu dhibaato ku hayo dadkaa, waxaanu leenahay ciidankaasi ha la iska weeciyo, reer Buuhoodle odayaasha waanu wada hadalnay, waxay leeyihiin ciidankaasi nama matalo’e yaa naga kexeeya ayay leeyihiin, iyaguna waa ciidan yar oo halkaas isku urursaday oo aan caaqiibo kale haynin.
S: Laakiin ciidan yar maaha shalay (doraad) markuu dagaalku dhacay wararka dhex dhexaadku waxay sheegayaan in markii hore ciidanka Somaliland ee xooga badnaa markii hore ay kaga horeeyeen dagaalka, taas maxaa ka jira?
J: Ciidankaasi (nabad diidku) ma badana, laakiin dadkii magaalada joogay ee dhalinyarada ahaa ayaa waxa lagu qanciyay dhulbaa la inaga qaadayaa oo la inaga baabinayaa oo Somaliland baa inaga boobaysaa oo beelo inaga boobayaan aan waxba ka jirin, markaa ciidanku maaha ciidan rasmiya ee waa ciidan ka soo orday Tuulooyinka iyo magaalada, oo odayaashii maqli waayay, subaxnimadii baanu odayaasha wada hadalnay, waxay yidhaahdeen anagaa hadda u tagayna oo meesha ka saarayna ee nagu ogaad, markay u tageena waa kaa dagaalkii bilaabmay.
S: Ma is leedahay dadkiibaa la idinka dheereeyay haatan, Axmed Cabdi Xaabsade markii hore Laascaanood Puntland iyo Somaliland isku haysteen adiga hogaaminayay oo dhinaca Somaliland taageersanaa dhibaatadu wey yarayd oo marka la eego shacbi badan baa soo dhaweeyay dhinaca Somaliland, laakiin hadda ma is leedahay dhinacaasay u badan yihiin, siday doontaba ha ahaatee dadkii inaad kasbataan baa loo baahan yahay, siday kula muuqataa?
J: Dadka inaanu kasbanaa loo baahan yahay oo aanu dadka soo dhaweyno, oo aanu dadka dhaqno oo wax u qabano, laakiin arrintani arin iska dhacay weeyaan oo ay ka dhacay markii hore laba beelood oo wax is yeelay oo muran dhul dhexmaray, ka dib meeshii waanu baabinay, markaa imika odayaashiina wey ila soo hadleen oo waxay yidhaahdeen badad baanu rabnaa, waxaanu rabnaa in la heshiiyo, nimankaas (kooxdaa nabad diidka) anagaa iska saaraynee idinkuna nala saara, talaabaananu ka qaadaynaa, meel fog-na ma kala joogno waananu is naqaana, waxaanu leenahay hadaydaan joojin waad ka shalayn doontaan.
S: Marka hore maad wada hadal ku daydaan intaad hanjabaysaan, miyaanay ahayn in wada hadal yeelataan, shalayna (doraad) madaxweyne Axmed Siillaanyo wuxuu sheegay inuu doonayo in Puntland xidhiidh ganacsi dhex maro, taa sideed u aragtaa?
J: Anagu nabad baanu ugu baaqnay oo intaa ugu baaqaynay oo waxaanu ilaalinaynay inaan waxba naga gaadhin, laakiin haddii faro galinta (Puntland) nalaga deyn waayo dul qaadan mayno, waanay ka shalaayi doonaan.
S/land information Minister we will karbaash the qarandiids
Moderator: Moderators
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
-
- SomaliNet Super
- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: S/land information Minister we will karbaash the qarandi
waa uu iskaa hadlayaah
SCC guul!!!
SCC guul!!!
- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: S/land information Minister we will karbaash the qarandi
isaga ba ssc ka yimid eh



Re: S/land information Minister we will karbaash the qarandi
lol Listen to what he used to saydjibsomali wrote:waa uu iskaa hadlayaah

-
- SomaliNet Super
- Posts: 5229
- Joined: Fri May 25, 2007 6:39 pm
Re: S/land information Minister we will karbaash the qarandi
xabasadee imaa baraysiid mantaa i know him very well!!The_Emperior5 wrote:isaga ba ssc ka yimid eh![]()
and him being a minister in putland!!
But the matter of fact he is just saying what he get paid for.
The reality SCC guul
xabasadee haa iskaa xabsadoo dollarkaa somaliland loool
- XimanJaale
- SomaliNet Super
- Posts: 12578
- Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
- Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
- Contact:
Re: S/land information Minister we will karbaash the qarandi
djibsomali wrote:xabasadee imaa baraysiid mantaa i know him very well!!The_Emperior5 wrote:isaga ba ssc ka yimid eh![]()
and him being a minister in putland!!
But the matter of fact he is just saying what he get paid for.
The reality SCC guul
xabasadee haa iskaa xabsadoo dollarkaa somaliland loool




- The_Emperior5
- SomaliNet Super
- Posts: 50031
- Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
- Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
- Contact:
Re: S/land information Minister we will karbaash the qarandi
Yeah he was also part of dawladi afweyne ciidamada alsuubta bu ka shaqeyn jirey iyo jeel ilaaliyee hadana wa wasiir times change things change But the strong message he is sending to the qarandids is a good one we should welcome. 

-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 462 Views
-
Last post by Cali_Gaab
-
- 8 Replies
- 1564 Views
-
Last post by SahanGalbeed
-
- 1 Replies
- 406 Views
-
Last post by Kees70
-
- 74 Replies
- 649 Views
-
Last post by Shirib
-
- 2 Replies
- 629 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 1 Replies
- 536 Views
-
Last post by Khalid Ali
-
- 4 Replies
- 676 Views
-
Last post by gemini07
-
- 91 Replies
- 7215 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 5 Replies
- 849 Views
-
Last post by Knight of Wisdom
-
- 4 Replies
- 617 Views
-
Last post by lali99