Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by The_Emperior5 »

Somaliland oo Usoo Magacawdey Guddoomiye Cusub Degmada Xingalool (Sawirro)
Xaflad si weyn loosoo agaasimey oo maanta ka dhacdey hoolka Xarunta cilmi baadhista ee Degmada Xingalool ayaa waxaa xilka Gudoomiyaha Degmada Xingalool ee Maamulka Somaliland kula kala wareegey Xaaji Iimaan Warsame Cirroowe gudoomiyihii hore ee Degmada iyo Yuusuf Warsame Cali Shire gudoomiyaha cusub.

Guddoomiyaha hore ee Degmada ayaa caddeeyey in xilkii uu hayey uu ku wareejiyey Mudane Yuusuf Warsame Cali Shire kadib markii ay soo gaadhey wareegto kasoo baxdey xafiiska wasiirka arrimaha gudaha ee Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Gabboose taas oo lambarkeedu ahaa 48/01/2011 kuna taariikheysneyd 16 bishan January waxaana ku qeexnaa in gudoomiyihii hore uu xilka wareejiyo isla markaana uu gudoomiyaha cusub xilkiisa u guto si hufnaan iyo hawl karnimo ay ku jirto

Madasha ay ka dhacasey lakala wareegidda xilalka ayaa waxaa goob joog ka ahaa Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Somaliland Mudane C/xakiin Wahaabe, Taliyaha Guutada Shanaad ee Ciidamada Daraawiishta Somaliland Maxamuud Boqolle, Isimo, Saraakiil iyo waliba waxgarad kale oo ka tirsan bulshaweynta ku dhaqan Degmada Xingalool waxaana si weyn loogu hambalyeeyey gudoomiyihii hore Iimaan Warsame sida hufnaanta ah ee uu xilka ku wareejiyey.

Isla goobtaa ayaa maamulkii hore ee Degmadu waxa uu kusoo wareejiyey maamulka cusub Gaadhi, Guri iyo waliba dhamaan hantidii uu u hayey maamulka Somaliland iyadoo arrintaas si weyn ay ugu mahad celiyeen madaxdii ka hadashey goobta iyo waliba dadweynihii kasoo qeyb galay xafladda.

Iimaan Warsame oo xilka gudoomiyaha loosoo magacaabey sannadii 2007 ayaa ahaa gudoomiyihii ugu horreeyey ee ay yeelato Degmada Xingalool isagoo tan iyo xilligaa qabtey waxyaabo la taaban karo oo aaney hore ugu hirgalin Jamhuuriyadda Somaliland waxaana lagu tilmaamey sida wanaagsan ee uu xilka u wareejiyey Gudoomiyihu mid xil-kasnimo ay ku jirto oo bogaadin mudan.

Dhanka kale waxaa socdaal hawleed ku maraya Degmada Xingalool Guddoomiyaha Gobolka Badhan ee Somaliland C/xakiin Wahaabi kaas oo uu ugu kuur galayo xaaladaha abaarta ee ka jirta deegaanka isaga oo sheegey in warbixinta deegaanka uu u gudbin doono xukuumadda Somaliland iyo hay’adaha deeqaha bixiye ee ku sugan jamhuuriyadda Somaliland
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by The_Emperior5 »

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image

Image
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by The_Emperior5 »

all sanaags reaction


Beesha Isaaqa oo mashaariic ka higelisay Dhahar News/Articles


Beesha Isaaqa ayaa Mashaariic ku kacaya 20, 000 oo doolar ka hirgelisay Magaalada Dhahar iyaga oo doonaya in ay ku istaajiyaan ama kaga hortagaan Mashaariicda Malaayinka ah oo dhowaan soo gaaraya Degaanada Maakhir oo ay degto Beesha Warsangeli



Mashaariicdan lagu doonayo in lagu wiiqo midnimada Beesha Warsangeli iyo horumarkeeda ayaa maanta waxa laga hirgeliyey magaalada Dhahar,halka Shacab badan oo ka soo jeeda Degmada Buraan iyo Xingaloo ay sugayeen in mudo ahaydba in ay magaalada Dhahar noqon doonto Caasimadooda Gobolka Hayland oo ka mid ah Maamulka Harti ee Puntland hase ahaatee maanta TVyda ka daawadeen weji kale



Gobolka Hayland ee Dawlada Puntland oo Caasimadiisa loogu talo galay ahayd magaalada Dhahar ayaa miisaaniyadii loogu dhisi lahaa golaha degaanada iyo degmooyinka Gobolka waxay ka soo baxday khasnada Puntland mudo hore,hase ahaatee waxa carqalad iyo dibindaabyo ku waday iyo in aan maamul tayo lihi ka hirgelin Gobolka Hayland kuwa maanta Beesha Isaaqa ka dalbaday in ay ka kaalmeeyeen mashaariic ku kacaysa wax ka yar 50,000 oo doolar.



Ragan maanta keenay Dhahar Maleeshiyaadka SNM ayaa ahaa kuwii ay u af duubnaayeen shacabka ku nool Xingalool iyo Buraan oo ahaa kuwii diidanaa in maamul dhamaystiran laga dhiso Gobolka Haylaand kaas oo hoos imanaya Maamulka Puntland.



Ugu danbayntii Xingalool iyo Buraan oo bulshada ku nooli intooda badani aaminsan yihiin in degaanku yahay dawlada Puntland ayaa waxay sugayaan jawaabta Wasiirka uga wakiilka ah dhinaca siyaasada Maamulka Puntland Cabdulaahi Ilko Jiir iyo Garaad Cabdulaahi Cali Ciid taas oo ah in maamul loo sameeyo degaanka iyo in hadii ay suuroobi wayday in Dhahari noqoto Caasimadii Hayland iyo in sidii hore oo deganku ahaa dib loogu cesho oo u noqdo hal gobol kaas oo ah SANAAG ,caasimadiisuna tahay magaalada Badhan.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by The_Emperior5 »

hir "oo ay xarashayaan Ilmo Xaabsade iyo Agoontii
Daarta SNM ee Dhahar ma tahay wax laga xumaado
Yes No I don't know


Shacabka Reer Maakhir oo lahaa saldanada ugu d'ada weyn geeska Afrika ,inta taariikhdu xusaysana aan degaankooda xoog lagu qabsan xitaa quwadii ugu xooga weynayd aduunka ee Britain ayaa maanta waxa lagu Xaraashayaa wax ka yar 50,000 oo Doolar oo dulaaliin degaanka u dhashay ka soo qaateen Jabhada SNM oo dhiig badan ku daadisay sidii ay u qabsan lahaayeen Maakhir ,iyaga oo hada in badan oo degaanka ka mid ah si sahlan gacanta ugu geliyey Jabhada SNM uu madaxda ka yahay Danbiile dagaal ninka ka soo jeeda Beesha Habar Jeclo ee Isaaq laguna magaacabo Siilaanyo.



Magaalooyin badan oo ka mid ah degaanka ayaa waxa si xoriyad ah ku marayey maalmahan " Ilmo Xaabsade" iyaga oo dhowaan Xabsi iyo Kawaan Xoolaha lagu qalo ka furay magaalada Dhahar kuna qoray Daarta ay dhiseen Astaanta Beesha Isaaqa iyo Sawir Qof oo lagu xardhay darbiga Daarta oo la sheegay in uu yahay nin ka soo jeeda Beesha Habar Jeclo oo ku dhintay dagaaldaii SNM ee sideetamaadki oo Beesha Isaaqu kula jirtay Daaroodka.



Dhismayaashan lagu bahdilayo Beesha Warsangeli oo ku kacay 20,000 oo Doolar ayaa waxay yihiin mid ayna awood u waayin dadka degaanka u dhasahy in ay dhistaan Magaalada Mashaariic kuwan la mid ah ama ka fiican ,hase ahaatee waxa laga doortay xoogaaga lacagta ah oo Ilma Xaabsade ka keeneen Hargaysa oo ah Taariikhda Warsangeli wax u dhimi doonta , ilaa hadana sida la ogsoon yahay ma jiraan Isimo,Xildhibaano ,Siyaasiyiin ,Qurbo joog iyo qaybaha kale ee Bulshada ee reer Maakhir oo hadlay arintan ay ka danbayn doonto cawaaqib xumada ,isku dhac beelaha iyo sidoo kale in degaanka oo dhan loo gacan geliyo Jabahada SNM , Wasiirka Xanaanada Xoolaha Puntland Siciid Xasan Shire iyo walaalkiis duqa Magaalada Dhahar oo ah madaxda ugu saraysa dawlada Puntland oo ka soo jeeda Magaalada Dhahar Mushaharna kaga qaata xilalkan Dawlada Puntland ayaa ilaa hada ka aamusan raalina ka ah in Daar ku taal Dhahar in lagu xayeesiiyo Astaanta SNM iyo Jabhad Isaaq ah oo ku dhintay Isir nacayb uu u qabo Daarood



Gebagebadii Degaanka Maakhir wuxuu marayaa Meeshii ugu khatarsanayd intii Jabahada SNM duulaanka ku ahayd Maakhir oo gaaraysa Dhowr iyo laabatan sano mana aha wax qarsoon oo Maalin iyo habeen TVyada af Soomaaliga ku hadlaya ayaa waxa laga daawanayaa Ilmo Xaabsade iyo Agoonta oo degaanka ku sheegaya Isaaqland amaanayana Maamulka ay beeshasi ka samaysatay degaanadooda Hargaysa iyo Burco,waxaana arintaa ka sii xun ahna wax laga xumaado aamusnaanta Bulshada degaanka ka soo jeeda ay ka aamuseen cisadii , sharaft iyo taariikhdii hodanka ahayd oo ay ka dhaxleen awowayaashood Soomaali iyo aduunkuba oo dhamina wada ogaa taariikhdaa, in ay maanta raali ka noqdaan kuwii shalay awoowayaashood ahaayeen doorjoogta in maanta qiima yar ku bixiyaan Maakhir sidii ay gacanta ugu dhigi lahaayeen
User avatar
Cirwaaq
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 6472
Joined: Wed Mar 24, 2010 2:37 pm
Location: Event Horizon periphery... HIILumination

Re: Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by Cirwaaq »

Does that mean James has to create a new map???

Where the hell is oldenglish need his view on these activities?
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by The_Emperior5 »

Yeah there was a video on universal tv about the dhahar thing yeah james need to some updating ,, allsanaag does not like it one bit,, but this has also something to do because the the Somaliland defence minister is from eastern sanaag.
Estarix
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 2707
Joined: Sun Aug 29, 2010 3:39 am

Re: Somaliland mayor for xingalool arrives in xingalool

Post by Estarix »

Does that mean James has to create a new map???
I believe these are the outskirts of Xingalool.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”