Former military officers discussing how to help reer cayn
Posted: Thu Feb 10, 2011 12:25 pm
Masuuliyiin Horay Uga Tirsanaa Dawlada Puntland Iyo Xuna Haatan Xukuumada Kijira Oo Galkacyo Kulan Kuqaatay
Galkacyo(Puntlandi.com);-Masuuliyiin horay uga tirsanaa xukuumada Puntland iyo xubna katirsan xukuumada hada jirta ayaa qaatay kulan looga arinsanayay sida loogu gurmanayo dadka ku soo waxyeeloobay dagaalada ka socda Gobolka Cayn iyo go’aanka shacabka Gobolka ka qaadanayaan daandaansiga iyo weerarada mamulka Somaliland ku soo qaadeen dhulka Puntland.
Kulanka ayaa ka dhacay xarunta Nabada iyo Hormarinta magalada Galkacyo waxaana goob’joog ahaa shaqsiyaad daraja wasiir ka soo qabtay xukuumadii Gen.Cade Muuse xildhibaano katirsan Barlamaanka Dawlada Puntland iyo dad magic ku dhax bulshada dhaxdeeda waxaana kulanka soo agaasimay Maxamed Cali Yuusug Gaagaab.
Xubana ka qaybgalay kulanka ayaa Puntlandi.com u sheegay in laysku afgartay in loo gurmado dadka walaalahooda ee ay ku soo duuleen maleeshiyaadka Hargaysa waxaana ay intaa ku dareen in ay Dhar iyo Dhuuni gaarsiiyeen dadkii ku soo dhaawacmay dagaalada.
Kulanka ayaa sidoo kale lagu gorfeeyay talabada Bulshada Gobolka mudug ka qaadanayso talaabada iyo taageerada loo fidinayo shacabka Gobolka Cayn.
Waxaa goobta looga balamay in layskugu yimaado kulamo intaa ka dheer taageero hiil iyo hoona ah loo fidiyo shacabka Gobolka Cayn oo katirsan shucuubta Puntland.
Puntlandi.com Galkacyo