
Garoowe:(Allpuntland)-Dawlada Puntland ee Soomaaliyeed & Jasiirada Sychelles ayaa si rasmi ah wadanka Sychelles ugu gaaray heshiis & isfahan ku saabsan la dagaalanka Burcad Badeeda & soo celinta Tobonaanka dhalinyarada Soomaaliyeed ah ee ku xirxiran wadanka Sychelles kuwaas oo loo haysto eedaymo la xiriira inay ahaayeen Burcad Badeed islamarkaasna ay duulaan ku ahaayeen qaarkamid ah maraakiibta shisheeye ee dhex mushaaxaysa badaha caalamiga ah.
Heshiiskan ayaa yimid kadib markii ay halkaas maalmihii lasoo dhaafay kusugnaayeen wafti sare oo kasocda dawlada Puntland kuwaas oo ka qeybgalaya shirweyne looga hadlayo burcad badeeda oo ay ka qeybgalayaan wadamada la dagaalama Burcada & maamulada kajira Soomaaliya,iyadoo ay waftiga Puntland ee Sychelles kusugani ay halkaas kasoo jeediyeen qodobo muhiim ah oo dhaxalgal ah kuwaas oo kusaabsan la dagaalanka & soo afjarida Burcad Badeeda.
Cabdirisaaq Maxamed Dirir (Ducaysane) Agaasimaha waaxda la dagaalanka Burcad Badeeda ee Puntland oo shirka kadib kulamo la qaatay saraakiil reer Sychelles ah ayaa warbaahinta u sheegey inay kulamo gaar ah oo ay labada dhinacba wada qaateen kadib isku waafaqeen in ay iska kaashaadan la dagaalanka Burcad badeeda Maadaama buuyiri Sychelles ay tahay meesha ugu badan ee ay saameeyeen dhibaatooyinka Burcad badeedu,waxaana uu sheegey inay taas kasoo bexeen qodobo muhiim ah oo ay dhinacyado isku raaceen.
Agaasimaha oo Warbaahinta caalamiga ah ee ka howlgasha Sychelles la hadlay wuxuu sidoo kale sheegey in jasiiradaasi ay ogolaatay in dawlada Puntland loosoo gacangeliyo guud ahaanba dhalinta Soomaaliyeed ee lagu hayo xabsiyadaas oo sanadkii hore ee wadanka Sychelles geeyeen qaarkamid ah maraakiibta dagaalka ee dunida oo qabqabtay dhalinyaradan islamarkaasna ugacan geliyey wadanka Sychelles waxaana uu sheegey intaas ay isku raaceen isagoo sidoo kalena markale dawlada kumeelgaarka ah ku dhaliilay inay xabsiyo Muqdisho ah ku hayso dhalinyaro Soomaaliyeed oo lageeyey Muqdisho kadib markii lagu waayey falal Burcadnimo ah.
Cabdiqani Xayir
Allpuntland
