Muqdisho, Somalia (AOL) – Xarakada Al Shabaab ayaa wax ka bedeshay qaabka ay u shaqeeyaan Afhayeenadooda, 7-dii sano ee lasoo dhaafay Afhayeenimada dowladda KMG ah, Al Shabaab iyo Ururkii Xisbul islaam waxaa haysay mid kamida beelaha Soomaaliyeed.
Markii ugu horaysay Al Shabaab ayaa Afhayeen u magacaawday wadaad kasoo jeeda Gobolka Gedo ee Koonfur galbeed Soomaaliya taasi oo meesha ka saaraysa in maamulada dalka kajira ay beel qura Afhayeen u noqoto.
Sheekh C/casiis Abuu Muscab oo kasoo jeedo Gobolka Gedo ayay Shabaabul Mujaahidiin u magacaawday Afhayeenka guud ee Ciidamada Shabaab arrinkaasi oo u muuqda mid shabaabku ku wanaajinayaan maamulkooda dhanka Warfaafinta.
C/raxmaan Diinaari oo ahaa Afhayeenkii xukuumadii Cali Geedi, Cabdullaahi Bariise – Afhayeenka Booliska, Muuse Caraale- Afhayeenkii Xisbul Islaam, Cumar Maxamed Faarax – Afhayeenkii Ahlusuna, Sheekh Cali Maxamuud Raage (Sheekh Cali Dheere) oo isna ahaa Afhayeenka Al-Shabaab ayaa dhamaantood kasoo wada jeeda Hal beel oo ah beesha Murunsade, arrinkaasi oo dadka Soomaaliyeed dareen weyn ku dhalisay.
Siyaasigan kasoo jeedo Gobolka gedo ayaa maalmihii lasoo dhaafay dardar gelinayay shaqadiisa wuxuuna Muqdisho ku qabanayay shirar Jaraa’id oo uu ku cambaareynayay AMISOM iyo dowladda KMG ah.
Cabdi Casiis Abuu Muscab ayaa kamid ahaa Wadaadadii Al-Itixaad ee dowladii Itoobiya kula dagaalamay degmooyinka Luuq iyo Doolow sagaashameeyadii.
Si kastaba ha ahaatee Siyaasadda Soomaaliya ayaa ah mid weli aan sal adag ku taagnayn waxaana dalka kajira dhinacyo ku dagaalamaya magaca diimeed, iyo dhinacyo ku dagaalamaya magaca dowladeed iyo ciidan shisheeye oo ku dagaalamaya in ay Nabadda sugayaan balse dhamaantood burbur u geysanaya dalka.
Allahuakbar
Isbedel ku yimid nin Gedo oo noqday Afhayeenka Mujahidiinta
Moderators: Moderators, Junior Moderators
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
- Voltage
- SomaliNet Super

- Posts: 29214
- Joined: Tue Oct 23, 2007 11:33 pm
- Location: Sheikh Voltage ibn Guleid-Shire al-Garbaharawi, Oil Baron
Re: Isbedel ku yimid nin Gedo oo noqday Afhayeenka Mujahidii
Who cares about his clan?
-
grandpakhalif
- SomaliNet Super

- Posts: 30687
- Joined: Tue Sep 01, 2009 10:32 am
- Location: Darul Kufr
- Contact:
Re: Isbedel ku yimid nin Gedo oo noqday Afhayeenka Mujahidii
We don't care about clan but it seems Al Shabab has acknowledged Reer Gedo and has rewarded them with a top position. It seems you have failed to notice Al Shabab's great politics and has removed any signs or neglect, the underlying motive seems good hearted!Voltage wrote:Who cares about his clan?
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 38 Replies
- 1645 Views
-
Last post by grandpakhalif
-
- 13 Replies
- 996 Views
-
Last post by Somaliweyn Commando
-
- 61 Replies
- 4836 Views
-
Last post by Karbaash_killa
-
- 0 Replies
- 243 Views
-
Last post by Hiiraan boy
-
- 1 Replies
- 236 Views
-
Last post by JolieFille
-
- 0 Replies
- 636 Views
-
Last post by THE_TRUTH1
-
- 7 Replies
- 498 Views
-
Last post by qoraxeey
-
- 7 Replies
- 816 Views
-
Last post by MujahidAishah
-
- 6 Replies
- 14030 Views
-
Last post by MrPrestige