British chambers of commerce delegation visits Somaliland
Posted: Sat Feb 12, 2011 4:35 pm
Somaliland president receives a delegation from the British chambers of commerce PICS
War-Saxaafadeed: Madaxweynaha JSL Oo Caawa Qasriga Madaxtooyada Kula Kulmay Wefti Ganacsato Ah Oo ka Socda Dalka Ingiriiska.
Madaxweynaha JSL Mudane: Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) waxa uu Caawa kulan kula yeeshay Qasriga Madaxtooyada Wefti ka socda Wadanka Ingriiska oo ka koobna Ganacsato iyo Maal-gashadayaal.
Weftigaas oo ka socday Ururka loo yaqaan Anglo-Somaliland Chamber of commerce oo Dalka u yimi inay dhamaystir ku sameeyaan xidhiidh hore oo uu Madaxweynuhu kula yeeshay Wadanka Ingriiska markii uu Booqashada ku tegay badhtamihii bishii December ee sanadii 2010 ee Ina dhaafay.
Waxa kale oo ay u yimaadeen Weftigu inay helaan xaqiiqooyin ku saabsan sidii ay u abuuri lahaayeen fursado ay maal-gashi ku sameeyaan dalka.
Kulanka Weftigan oo jewi wanaagsan laysku qaabilay waxa ay Madaxweynaha u sheegeen in ay ka sidan Xafiiska Arrimaha Debeda Ingiriiska Casuumad Saddex Wasiir oo Xukuumada Somaliland ka Tirsan oo ka qayb gala Shir balaadhan oo Ganacsi iyo Maal-gashi ku saabsan oo dhex-mara labada Dal oo ka dhicidoona Magaalada London ee Wadanka Ingiriiska dhamaad ka Bisha March ee Fooda inagu soo haysa Arrintaas oo ah tii ugu horaysay oo Heer Laba Dawladood ah aynu wax u wada qabsano.
Madaxweynuhuna Waxa uu Dhiniciisa Faah-faahin Balaadhan oo mugleh ka bixiyey Halka uu Maraayo Huru-marka Dalkan Somaliland isaga oo ku soo Dhaweeyey kuna Dhiiri geliyey inay Maal-gashi ku sameeyaan Dalka.
Madaxweynaha waxa kulankan ku Wehelinaayey Wasiirada Kaluumaysiga Khayraadka Bada, Macdanta iyo Biyaha, Beeraha, iyo Qorshaynta Qaranka.
Weftigan oo dalka ku sugnaan Doona Shan maalmood waxay kulmo la yeelan donaan Gacnasatada Dalka iyo Qaybaha kala Duwan Ee Bulshada.
Allaa Mahad Leh
Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse)
Af-hayeenka Madaxtooyada JSL.