Page 1 of 1

Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:21 pm
by Mr_Alfaas
Wasiirka Duulista oo ay Aad isu hayn jireen Marxuum Cigaal Ma la odhan karaa wuu ka danbeeyaa Bedelaada Magaciisa

Hargaysa (Waaheen) waxa soo baxayay warar muujinaya in Magacii ahaa Cigaal International Airport laga bedelay Madaarka Caalamiga ah ee Hargaysa, ka dib markii Waaheen heshay Cadaymo muujinaya in haatan lagu Magacaabay Hargaysa International Airport.
[img]http://postimage.org/image/11ysv8qw4/][img]http://s2.postimage.org/11ysv8qw4/Egal_300x260.jpg[/img]
Bidix: Shaanbadii hore ee Madaarka Hargaysa Midig: Shaanbada Cusub ee Madaarka Hargaysa

Ilaa hada ma cada in si rasmi ah loo bedelay Magacaas, mana jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Xukuumada iyo Wasaarada Duulista iyo Hawada, laakiin waxa waaheen heshay Shaambadaha loogu dhuftay Bassborada Dad ka soo degay Madaarka bilihii u danbeeyay, kaasoo ay ku qoran tahay Hargaysa International Airport.

Majiro astaamo kale oo lagu arkay Madaarka oo arrintan ku saabsan, haseyeeshee bedelaada Shaabadaha ee lagu qoray Hargaysa International Airport waa mid si dhab ah uga turjumaysa bedelaada Magaca, madaama Shambada lagu dhuftay Bassbortku ay tahay ta muujisa magaca Madaarka laga bixiyay Dalku galka ama ka bixitaanka.

Arrintan bedelada ayaanay cadayn sababta rasmiga ah ee keentay balse waxa ay Dadka qaarkii u tirinayaan inay suurto gal tahay Madaama Wasaarada Duulista uu haatan Wasiirka yahay Maxamed Xaashi Cabdi oo ay Dad badani ku xasuustaan sidii adkayd ee ay isku hayeen Illahay ha u Naxariistee Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal markii uu ahaa Madaxwaynaha, xiligaas oo Wasiirkuna ku jiray Golaha Barlamaanka, waxana jiray Hadalo Xafiltan u dhexeeyay oo ilaa hada Dad badani xasuustaan.

Balse ilaa iyo hada lama oga sababta rasmiga ah ee loo bedelay inay tahay mid ku talo gal ah iyo in ay u dhacday si khalad ah oo aan loo badheedhin, inkastoo ay tahay wax ilaa hatan in mudo ah socday, taasoo muujinaysa in aarintu tahay ku tlo gal loo bedelay Magaca Madaarka.

Magacan oo loo bixiyay Madaarka markii uu geediyooday Marxuum Cigaal ayaa ah mid lagu qadarinayay Marxuum CIgaal oo ahaa Madaxwayne Magac wayn ku lahaa Tariikhda Somaliland abaal wayna u soo galay Shacbiga Reer Somaliland oo uu u horseeday Nidaamka Dawaldnimada ee ilaa maanta jira.,

Short URL: http://waaheen.com/?p=9601

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:23 pm
by The_Emperior5
waaheen na boring bey qaaday odaygi axmed xuseyn ciise mala la hadli wayey , markassu wuxu doona iska so qora :lol:

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:25 pm
by Mr_Alfaas
The_Emperior5 wrote:waaheen na boring bey qaaday odaygi axmed xuseyn ciise mala la hadli wayey , markassu wuxu doona iska so qora :lol:
war odaygan maxa ku daba dhigey sidaad u daba socoto odaygan anu langadhe uma daba socdo :lol: :lol:

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:28 pm
by The_Emperior5
dee wa shuquladisa airport iyo wax aan loo joogin bu ka sheekeya sabab walala hadli wayey odaygi axmed xuseyn carsaanyo

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:31 pm
by Mr_Alfaas
The_Emperior5 wrote:dee wa shuquladisa airport iyo wax aan loo joogin bu ka sheekeya sabab walala hadli wayey odaygi axmed xuseyn carsaanyo
Japanese fooqal Japanese maxad odaygan aad ku nacday niyow :lol:

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:32 pm
by The_Emperior5
Mr_Alfaas wrote:
The_Emperior5 wrote:dee wa shuquladisa airport iyo wax aan loo joogin bu ka sheekeya sabab walala hadli wayey odaygi axmed xuseyn carsaanyo
Japanese fooqal Japanese maxad odaygan aad ku nacday niyow :lol:

dee wa oday xun oo cuqdad badan leh wax la jeclaada ma u eegyahay :lol:

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:35 pm
by Mr_Alfaas
The_Emperior5 wrote:
Mr_Alfaas wrote:
The_Emperior5 wrote:dee wa shuquladisa airport iyo wax aan loo joogin bu ka sheekeya sabab walala hadli wayey odaygi axmed xuseyn carsaanyo
Japanese fooqal Japanese maxad odaygan aad ku nacday niyow :lol:

dee wa oday xun oo cuqdad badan leh wax la jeclaada ma u eegyahay :lol:
hadii loo magacaabi lahaa wasiirka arimaha dibada ka waran :lol: :lol: :lol:

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:36 pm
by The_Emperior5
war anigu ka xita waxar kuma amineen :lol: :lol: adna wasaarad baad ka hadlaysa , ma naag cad baan qaba ba loogo dhiiba wasaarada arimaha dibada :lol:

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 5:49 pm
by Mr_Alfaas
The_Emperior5 wrote:war anigu ka xita waxar kuma amineen :lol: :lol: adna wasaarad baad ka hadlaysa , ma naag cad baan qaba ba loogo dhiiba wasaarada arimaha dibada :lol:
maya dee wa OHD holder sxb wa mutacalim bettr than this 2years in Pharmacy............ :lol:

wasiirka arimaha dibada e ahmed langadhe

Re: Magaci Madaarka oo la badalay.

Posted: Sat Feb 12, 2011 6:08 pm
by The_Emperior5
Mr_Alfaas wrote:
The_Emperior5 wrote:war anigu ka xita waxar kuma amineen :lol: :lol: adna wasaarad baad ka hadlaysa , ma naag cad baan qaba ba loogo dhiiba wasaarada arimaha dibada :lol:
maya dee wa OHD holder sxb wa mutacalim bettr than this 2years in Pharmacy............ :lol:

wasiirka arimaha dibada e ahmed langadhe

ohd holder na wamaxay koley phd maha waxasi :lol: anigu Dr maxammad rashiid baan wasiirka arimaha dibada ka dhigan laha :up: