report puntland fighting pirate General visiting Siishalis

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

report puntland fighting pirate General visiting Siishalis

Post by FBISOMALIA »

Image

Image
Nairobi(Puntlandi.com) Agaasimaha Guud ee Ladagaalanka Burcad Badeedeka Puntland Cabdirsaaq Maxamed Dirir(Duceysane) ayaa saxaafada uga warbixiyey dadaalka ay Puntland u gashey sidii dib loogusoo celinlahaa Dhalinyarada Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada banaanka kuwasoo Burcad badeednimo loo heysto iyadoon aanaan u eegeyn buu yiri meesha ay Soomaaliya ka yimaadeen.(Sawirada hoos ka daawo)

Waa waajib na saaran inaan Dalka kusoo celino muwaadiniinta Soomaaliyeed, Hadey dambiile yihiina intii tabartayo ah waxaan isku dayeynaa iney xabsigooda ku qaataan dalka gudihiisa hadiise Dambi lagu waayo waa waajib in dalkooda lagusoo cesho ee ma ahan in xabsi ay ku jiraan, ayuu yiri agaasimuhu.

Agaasimaha Ladagaalanka Burcadbadeedka Cabdirsaaq Duceysane iyo Wasiirka Dhaqanka ee Puntland Cabdikhaliif Shiikh Xasan ayaa intii ay booqashada ku joogeen Jasiirada Siishalis waxey ka qayb galeen Maxkamad la saarey 10 dhalinyaro Soomaaliyeed ah kuwasoo lagusoo eedeeyey iney damacsanaayeen iney afduubaan Dooni ay Siishalis leedahey, Agaasime Cabdirsaaq Duceysane wuxuu sheegey in Dhalinyarada markii hore ay ahaayeen 11 balse mid uu ku dhintey markii lasoo qabanayey halka mid kalane uu dhawac gacanta kasoo gaarey, kadibna gacantii la jarey.

Wiilka Dhintey magaciisu waa Cabdi Cumar, kan gacanta lagooyey dhawac xabadeed awgeedna waa Nuux Maxamed Aaden labaduba waxey kasoo jeedaan deegaanka Hobyo.

Dacwada wiilashaan tobanka ah wali waa socotaa oo maalmaha soo socda ayaa go’aan laga gaarayaa in kastoo wali Puntland dadaal ugu jirto sii deyntooda.

Agaasimaha La Dagaalanka Burcad Badeedka ee Puntland Cabdirsaaq Maxamed Dirir intii uu joogey Siishalis wuxuu kaloo dadaal ugaley sidii loosoo celin lahaa Dhalinyaro hore ay Siishalis u qabatey kuwasoo uu soo deyntooda ku guuleystey, Dhalin yaradaan waxey kasoo jeedaan deegaanka Hobyo ama gobolada dhexe balse markii muqdisho la geeyey ayaa Dowlada Kumeel gaarka ah Xirtey,sababtana loo xirey lama oga ilaa hada.

Jasiirada Siishalis waxaa ilaa hada ku xiran dhalinyaro gaareysa 46, kuwasoo badankooda lagu xukumey xabsi u dhexeeya 6 ilaa 22 sano, waxaa wali jira wadahadal u socda Puntland iyo Siishalis sidii dhalinyaradaas xabsiga ay ugu qaadan lahaayeen gudaha Wadanka, balse sharuudo ayaa jira kuwasoo Puntland laga doonayo iney buuxiso sida aan warar hoose ku helney.
some pictures

Image

puntland general in the left

Image
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”