Carruur darbi jiif ahaan jirtay ayaa maanta deeq la gaarsiiyey isugu jirata lacag iyo raashin gudaha magaalada Boosaaso.
Deeqdaan ayaa waxaa soo gaarsiisay Carruurtaasi darbi jiifta ahaan jirtay Shiradda Ganacsiga ee Towfiiq,waxayna ka koobneyd:_

* 10-kiish oo bur ah.
* 10-kiish oo bariis ah
* 4-kiish oo sonkor ah
* 20-kartoon oo baasto makarooni ah.
* 2-kartoon
* 15-milyan oo shillin Soomaali.
Guddoomiye kuxigeenka Ururka Kalkaal Nabadoon Cabdiqaadir Axmed Ibraahim[Xarago] ayaa ka gudoomay deeqdaasi ay soo gaarsiisay Shirkadda ganacsiga Towfiiq,wuxuuna sheegay in ay uga mahadcelinayaan sida wanaagsan ay isugu xilqaameen gacansiinta Carruurtaasi.
Sidoo kale wuxuu sheegay in loo baahanyahay sidii looga qaybqaadan lahaa mustaqbal dhamaystiran sidii ay ku gaari lahaayeen wakhtiga dhow.
…”Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed kuwa kunool Puntland waa in Alle dartiis uga qaybqaataan daryeelida Carruurtaasi si berito ay u noqdaan Madaxdii dalka…” ayuu yiri.
Madaxa suuq-geynta ee Shirkadda ganacsiga Towfiiq Maxamed Macalin Axmed ayaa sheegay in haddii ay yihiin ka Towfiiq ahaan si weyn ugu faraxsanyihiin deeqdaasi ay maanta soo gaarsiiyeen Carruurtaasi horey u ahaan jirtay darbijiif.