Raisal Wassare oo sheegay inay dagaal u diyaar garobeen

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
XimanJaale
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 12577
Joined: Wed Oct 27, 2010 4:15 am
Location: Buulo Xubeey, Wadajir District
Contact:

Raisal Wassare oo sheegay inay dagaal u diyaar garobeen

Post by XimanJaale »

R/wasaaraha xukuumadda Federaalka KMG ee Soomaaliya mudane Maxamed C/llaahi Maxamed ayaa mar kale ku celiyay in dhawaan dalka nabad lagu soo dabaali doono kooxaha dowladnimada ka soo horjeedana laga guuleysan doono.

R/wasaare Farmaajo oo shalay la hadlayay naafada CXDS eek u sugan Isbitaalka Martiini ayaa sheegay in hadda wixii ka dambeeya ay bilaabanayaan howl gallada ay ciidamada dalku kula wareegayaan ammaanka guud ee dalka, isla markaana dalka laga sifeynayo kooxaha soo duulay ee argagixisada ah iyo kuwa calooshood u shaqeystayaasha ah.

Sidoo kale R/wasaaraha ayaa ciidanka XDS u sheegay in xukuumaddu ay daryeeli doonto askarta ku waxyeelowda howl gallada iyo difaca dalka, haddii ay geeriyoodaana ay ehelkooda daryeeli doonto.

Naafada Ciidanka ayuu R/wasaaruhu ka dalbay in ay dalka iyo dadka cafiyaan maadaama aysan helin daryeelkii ay ka mudnaayeen dalka iyo dadka ay dartood u naafoobeen, wuxuuna u sheegay in wixii hadda ka dambeeyay ay dowladdu daryeel joogto ah siin doonto ayaga iyo kuwa cusub ee hadda ka hor ama kaddib naafooba ayagoo dalka difaacaya,

R/wasaaraha oo gacantiisa ku siiyay naafada Mushaarkooda ayaa sheegay in bishaan uu noqon mushaarku mid bilow ah, sida uu ballan qaaday Madaxweynuhuna bil kasta ay heli doonaan mushaarkooda, xukuumadduna ay daryeel wacan siin doonto.
User avatar
mudugawi
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 697
Joined: Wed Jun 17, 2009 5:10 pm
Location: Ras Asir to Ras Kamboni

Re: Raisal Wassare oo sheegay inay dagaal u diyaar garobeen

Post by mudugawi »

Guul inshalah :som:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Gedo”