





Duqa Magaalada Dhahar ayaa beeniyey in Maamulka Isaaqu ka fuliyeen Magaalada Dhahar Mashaariic isaga oo ku sheegay in mashraariicdasi ahaayeen kuwo ay kala saxiixdeen Isaga iyo Hay'ada u qaabilsan qaramada midoobay horumarinta ee UNDP,hase ahaatee aan haba yaraatee soo hadal qaadin maamulka uu mushahaarka ka qaato ee Puntland.
Salaad Hasan Shire oo ah ninka mushahaarka uga qaata dawlada Puntland in uu yahay duqa magaalada Dhahar ayaa wuxuu doonaya in uu sii haysto xilkiisa isaga oo Daarta ku taal bartamaha Magaalada Dhahar oo leh Astaanta Isaaqa ku sheegay in ay tahay mid ay dhistay UNDP,mana cadayn in UNDP u soo marisay lacagta lagu dhisay Daartan maamulka Hargaysa
( Sawirkan ayaa Cadaynaya in ay Allsanaag warkeedii hore been ahaa sidoo kale duqa magaalada ayaa laga sugayaa in daartan ay dhistay UNDP)
Halka ka akhriso waraysigii duqa magaalada dhahar http://horseedmedia.net/2011/02/14/maam ... c-halkaas/
Ugu danbayntii sidii ay u soo baxeen ama loo soo qoray in mashaariic tayo leh ay u soo socdaan degaanada Maakhir ayaa waxa ka bilowday magaalada Hargaysa abaabul la rabo in lagaga hor istaago waxqabadkan ay reer maakhir tiigsanayaan waxaana kuu cadaynaysa sida xad dhaafka ah oo ay marabida ku abtirsata Maakhir u shaqaynayaan si degaanka uga bilowdo isku dhac beeleed waana sida ay hada ku socotaa
Allsanaag.com