Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
LeonidaS
SomaliNetizen
SomaliNetizen
Posts: 395
Joined: Wed Aug 08, 2007 5:50 pm

Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan

Post by LeonidaS »

Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan,waa go'aan shacab :

Written by X.X.Badmaax
Feb 16, 2011 at 10:16 AM

Gooni isu taaga Jamhuuriyada Somaliland waa lama taabtaan,waa go'aan shacab,
xukuumad wal oo dalka soo martaa keli intay la dhuumato gorgortan lama geli karto
cid ka tirsan xukuumada dalka Somaliya ee aynu kala noqonay 18 May,1991.
Waa arrin distoori ah oo aan Madaxweyne Ahmed Mohamed iyo wasiirkiisa arrimaha
dibadu midkoodna aanu awood u lahayn inuu ka qayb galo shirarka xalka loogu
raadinayo kooxaha ku dagaalamaya dalka aynu jaarka nahay ee Somaliya.Marka
distoorku sidaa inna farayo ee golayaasha baarlamankuna xeer ka soo saareen
2003dii iftiiminaya inuu xaaraan yahay ka qayb galka shirarka talada Somaliya
lagaga hadlayo,laguna falaqaynaayo aayaha dalkaa waa in wasiirka arrimaha
dibada ee Jamhuuriyada Somaliland si dhakhsaa uu isu casilaa ama xilka looga
xayuubiyaa,kadibna maxkamad lagu soo taagaa denbiga uu galay oo ah khiyaamo
qaran.

Waxa innaga dhaxeeya ee aynu dhamaan isku raacnay ku dhaqanka distoorka
iyo xeerarka dalka u yaala.Haddii aanay sharciyada iyo xeerarka aynu dhiganay
inna xakamayn jiri mayso kala danbayn iyo dawladnimo toona,waa siday tahay.
Taa darteed waa in la dhawro jiritaanka qaranimo ee jamhuuriyada Somaliland,
waxaana fulinteeda looga fadhiyaa ugu horayn hay'adaha distooriga ah,arrin
la gelin karo muran maaha ee waa in cidii qalad ka gasha shacabka iyo dalkaba
maxkamad loo soo taagaa si sharciga waafaqsan.Cid gaar ah looma samayn
distoorka iyo shuruucda dalka u yaalla ee dhamaanteen waa inuu inna saameeya.
Muranka uu dhaliyay shirkaa uu wasiirka arrimaha dibadu ka qayb galay waxa ka
soo baxay dhawr qodob oo kala ah:

1.Xukuumadda oo si sharci darro ah u taageertay.

2.Labada xisbi mucaarid oo cambaareeyay,dalbadayna in xilka wasiirka laga xayuubiyo.

3.Xubno labada gole ee baarlamanka ka tirsan oo taageeray.

4.Guud ahaan labada gole ee baarlamanka oo aamusnaan ku jira.

5.Garsoorka oo sidii caadada u ahayd iskaba suursan.

6.Xisbiga talada dalka haya oo aan mawqifkiisu caddayn.

Mar hadii hay'adii distooriga ahaa xaaladoodi sidaa u kala durugsantahay waxa
cad in sharciyada iyo xeerarkaba la baal marsanyahay.Taasina waxay ka mid
tahay waxyaabaha khilaafka dhaliya,khatarna ku ah qaranimada aynu 20ka sanno
dhexda inoogu xidhnayd.Waxa taa barbar yaala shacabka oo isaguna dhawr
aragtiyood ka bixiyay arrinkaa ku saabsan ka qayb galka shirkii lagu qabtay
carriga ingriiska ee lagu falaqeeyay xaaladaha ka taagan Somaliya iyo aayaha
dalkaasi.Waxaana shacabku u qaybsamay:

1.Koox daashay oo taageertay falka wasiirka arrimaha dibada.

2.Shaqsiyaad indho-la'aan ku taageertay.

3.Shaqsiyaad beel ahaan u taageertay oo jiidhay distoorka.

4.Shacabka badi oo arka khiyaamo qaran u distooriyan.

Waxa halkaa inooga muuqda shacbka jamhuuriyada Somaliland badi inuu
rumaysanyahay falkaa uu ku kacay wasiirka arrimaha dibadu inuu yahay
khiyaamo qaran sidaa darteed waxa aan leeyahay waa in xilka laga xayuubiyaa
wasiirka maxkamadna la soo taagaa si loo adkeeyo ku dhaqanka sharciga
dalka.Waxa ay talaabadaasi soo afjaraysaa jahawareerka ay xukuumadu
baahisay,waxaanay dabar u noqon doontaa cid kasta oo ku hamiyaysay dib
ugu laabadkii midnimada laga wad-wado Somaliya.Waxaanay saldhig xooggan
u noqonaysaa ku dhaqanka iyo qabatinka distoorka.

Waxa aan ku soo gabagabaynayaa erayo ka mid ahaa tixdan "Boogaha qarsada waa adduun lays bedelayaaye' -Xasan-Tarabi.

Jiritaanka Somaliland waa muqadas.

X.X.Badmaax

hassanbadmah@rocketmail.com

Hargeysa/Jamhuuriyada Somaliland
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”