Sida lagu baahiyay idaacada ku hadasha afka Dawlada KMG ah ee Soomaaliya waxaa maanta galinkii danbe Xabsiga Magaalada Muqdisho la dhigay Mas uuliyiin Caanka ah Dalka Soomaaliya oo qaar kood ay kamid ahaayeen hogaamiye kooxeedyadii maamulayay dalka Soomaaliya.
Mas uuliyiinta Xabsiga la dhigay ayaa waxaa kamid ahaa :
1-Cabdi Qaybdiid ( ma ahan Cabdi xassan Cawaale ee waa shakhsi kale oo ay isku magacyihiin) Some are relieved now. dont panic, its another abidqeybdiid
2- Maxamad CUmar Xabeeb ( Maxamad Dheere) ooh ore u ahaan jiray Gudoomiyihii ahan duqii Magaalada Muqdisho.
3-Cali Nuur Maxamad.
4-Nuur Cali Yalaxoow.
Xiritaanka Mas uuliyiintaan ayaa waxaa ay kadanbaysay kadib markii maalinimadii Talaadada lagu xasuuqay Magaalada Muqdisho dad banaanbax nabadeed ka samaynayay Magaalada Muqdisho.
Waxaana uu horey Wasiirka Gaasahaandhiga ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya u sheegay in Ciidamada ka danbeeyay falka lagu laayay shacabka Soomaaliyeed ay ahaayeen kuwo qaab beeleed u xirnaa Dareeska Ciidamada Dawlada KMG ah ee Soomaaliya.
Talaabadaan oo ah tii ugu horeeysay ee dhinaca Cadaalada looqaado muddo kabadan labaatan sano ayaa waxaa kale oo ay ka danbeeysay mawqif ay wadagaareen Madaxda sare ee Dawlada KMG ah oo uu kamid yahay Madaxweyne Shiikh Shariif Shiikh AXmad.
Xiritaanka Mas uuliyiinta qaar kood ay xilli ahaayeen kuwo ugu tunka weyn Soomaaliya ayaa waxaa ku dhawaaqay Ra’iisul wasaaraha, Ra’iisul-wasaare-ku-xigeenka, ahna Wasiirka Gaashaandhigga, Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Wasiirka Warfaafinta, Boostaha & Isgaarsiinta. Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in weli lagu raad-joogo dad kale oo la aaminsan yahay inay ku lug lahaayeen weerarkas lagu qaaday muwaadiniinta sameynayay bannaanbax nabadeed.
Arrintaan ayaa laga yaabaa in ay sumcad u soo celiso Dawlada uu hogaamiyo Shiikh Shariif uuna ra iuisalwasaaraha ka yahay Farmaajo waxaana horey dad magic ku leh Soomaaliya oo isugu jiray aqoonyahano Waxgarad iyo siyaasiyiinba ay kadalbadeen Madaxda sare ee dawlada Soomaaliya in ay iscasilaan ama ay xukunka sharciga ah horkeenaan dadkii ka danbeeyay dhibaatada loogaystay Shacabka Soomaaliyeed.

