War deg deg Bandaw lagu soo rogay Villa Somaliya
Posted: Thu Feb 17, 2011 10:24 am
TFG collapse imminent
Xaalad Bandaw ah ayaa caawa ka jirta madaxtooyada Villa Somaliya iyo hareeraheeda kadib markii ay soo ifbaxeen warar sheegaya in weerar lagu soo yahay Villada.
Warar aan ka helnay Villa Somaliya ayaa sheegaya in Tobaneeyo Taangi lagu geedaamay madaxtooyada waxaana heegan sare la geliyay Afrikaanta ilaalisa halkaasi.
Goob joogayaal ayaa sheegay in Bandaw lagu soo rogay hareeraha madaxtooyada ilaa iyo degmada Xamar Weyne ee magaalada Muqdisho, waxaa albaabada loo laabay goobaha ganacsiga waxaana wadooyinka difaacyo ka galay ciidan hubeysan.
Dhinaca kale Maleeshiyaad ay isku beel yihiin Maxamed dheere ayaa abaabul xoogan ka wada degmada Shangaani taasi oo gilgishay Villa Somaliya, maleeshiyaadkan oo aad u hubeysan ayaa lasoo baxay hub farabadan waxayna qoryahooda ku jeediyeen Villa Somaliya oo la sheegay in ciidanka shisheeye ula dhaqaaqeen Maxamed Dheere waloow wararka qaar ay sheegayaan in Maxamed Dheere dhanka Dekadda loola dhaqaaqay.
Marmarka qaar ayaa la maqlayaa rasaas aan la ogeyn cidda is dhaafsaneysa, xasuuqii ay shalay Maleeshiyaadka hubeysan ka gaysteen agagaarka Villa Somaliya ayaa sababay in loo qab qabto horjoogayaal ka tirsan DKMG.
Wixii kusoo kordha dib ayaan kasoo sheegi doonaan Insha'allaah.