Dangorayo: (pp)- Xooghayaha Guud ee Dowlada Hoose ee Degmada Dangarayo Mudane Axmed Cabdilaahi oo qadka telefoonka aan kula sheekaysanay ayaa shaaca ka qaaday inay abaaro xoogan ka jiraan degmada Dangarayo ee Gobolka Nugaal waxaana uu sheegay in Maamulka Degmada Dangarayo uu xilwayn iska saaray sidii abaarahaasi dadka reer guraaga ah waxyeelaysay wax looga qaban lahaa inkastoo uusan sheegin inaanay jirin ilaa iminka inaaney dadka ku dhaqan dhul daaqsimeedka Gobolka Nugaal ee Nawaaxiga dangarayo aaney helin kaalmo iyo gacan looga samatabixinayo biyo la,aanta iyo abaaraha ka jira degaanadaasi oo sii xoogsanaya.
Axmed Cabdilaahi ayaa sheegay inay siwayn marakan dowlada hoose ee Degmada Dangarayo ugu diyaargaroobayso sidii wax looga qaban lahaa abarahaasi ,inkastoo uu walaac ka muujiyey Waxqabadka Hay,addaha samafalka.
Axmed Cabdilaahi ayaa sidoo kale sheegay inay jiraan dedaalo dhinaca dadka rayadka ah ee ku dhaqan degmadaasi ay lacago ugu Ururinayaa si dadkaasi baadiyaha ku rafaadsan loo gaadhsiiyo booyado biyood iyo weliba Rashaan ay dadka xoola dhaqatada ah helaan madaama aysan jirin wax dhaqdhaqaaq ah iyo dheefatiinka xoolaha oo hilibka iyo caanaha u badnaa oo xiligan aan la helin Abaaraha jira Awgood.
Degmada Dangarayo ee Gobolka Nugaal ayaa ah Magaalo Halbowle u ah Dheefshiidka xoolaha siwayna looga bartay caanaha iyo Hilibka inay gadiidlayda Waddada laamiga gooshta ay siwayn ugu nasan jireen Walow taasi ay sabab ka noqotay abaaraha dhanka baadiyaha madaama ay Magaalada Baadiyuhu isku xidhanyihiin.
Maamulka Dowlada hoose ayaa muujinaya Dedaalo dheraada xili abaarahani ay ka jiraan guud ahaan Gobolada dalka ilaa iminkana aaney de,ein roobabkii xiligan la dhowrayey iyadoo sidoo kale ay ka jirtey Maanta Magaalada Bosaso ee Xarunta Gobolka Bari Banaanbax Alle,lugu tuugayo oo roob doon ah.
Maxamed Axmed Ciise
Boossaso-Puntland
Degmada Dangarayo gobol Nugaal ka hadlay abaaro ka jira
Moderator: Moderators
- FBISOMALIA
- SomaliNet Super
- Posts: 9254
- Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
- Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY
Degmada Dangarayo gobol Nugaal ka hadlay abaaro ka jira
-
- Similar Topics
- Replies
- Views
- Last post
-
- 1 Replies
- 298 Views
-
Last post by thegoodshepherd
-
- 3 Replies
- 443 Views
-
Last post by quark
-
- 4 Replies
- 656 Views
-
Last post by Fale
-
- 2 Replies
- 9263 Views
-
Last post by FBISOMALIA
-
- 4 Replies
- 909 Views
-
Last post by InvisibleHand
-
- 15 Replies
- 4526 Views
-
Last post by ultratribalism
-
- 23 Replies
- 1981 Views
-
Last post by mahdi01
-
- 3 Replies
- 1113 Views
-
Last post by guhad122
-
- 3 Replies
- 1484 Views
-
Last post by Enemy_Of_Mad_Mullah
-
- 14 Replies
- 1440 Views
-
Last post by The Magnificent