Wasirka Dulista Hawada Iyo Garomada Puntland visit galkacyo

Dedicated for Puntland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
FBISOMALIA
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 9254
Joined: Fri Oct 15, 2010 5:26 am
Location: SSDF FOR LIVE , AUN AWOOWE AY

Wasirka Dulista Hawada Iyo Garomada Puntland visit galkacyo

Post by FBISOMALIA »

Galkacyo(Puntlandi.com);-Wasiirka Duulista Hawada iyo Garoomada Cali Axmad Cali Gamuute oo dhawaan soo gaaray magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa kormeer ku sameeyay qaybaha kala duwan ee madaarka diyaaradaha Gobolka Mudug.

Booqashada wasiirka waxaa ku wehliyay agaasimaha guud ee wasaarada iyo qaar kamida shaqaalaha wasaarada Garoomada iyo Duulista hawada waxaana warbixino ay ka dhagaysteen mamulka Madaarka diyaaradaha magaalada Galkacyo.

Madaxda iyo shaqaalada Garoonka diyaarada magaalada Galkacyo ayaa wasiirka uga waramay shaqada Garoonka iyo caqabada haysta waxaana qoraal ay uga turjumayaan warbixinta Garoonka ku wareejiyeen wasiirka iyo agaasimaha guud ee wasaarada.

Wasiirka ayaa xafiis xafiis u kormeeray Garoonka waxaana xafiiskastaa oo warbixin ka dhagaysanayay shaqaalaha ku sugan.

Ali Gamuute ayaa kamida wasiiradii dhawaan isku badalka lagu sameeyay waana markii ugu horaysay oo booqasho ku yimaado magaalada Galkacyo ama kormeero Garoonka diyaarada waxaana dhawaan sidan oo kale uu booqasho ugu sameeyay Garoonka diyaarada magaalada Boosaaso,

Booqashada Wasiirka ee magaalada Galkacyo ayaan Saxaafada loo soo bandhigin balw Wakaalada Wararka Puntlandi.com ayaa xogtan ka heshay qaarkamida shaqaalaha wasaarada.

Garoonka diyaaradaha magaalada Galkacyo ayaa ah isha 2aad ee dhaqaalaha ka soo galo xukuumada Puntland waxaana kamuuqda dayac iyo bur-bur xoogan.
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Puntland”