Mujaheed cali Hayaan state burial in burco

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Mujaheed cali Hayaan state burial in burco

Post by The_Emperior5 »

Mujaahid Cali Hayaan Oo Si Heer Qaran ah Loogu Aasay Burco
February 18th, 2011

Hargeysa (Somaliland.Org)- Alle ha u naxaristee Mujaahid Cali Ismaaciil Xaashi (Cali Hayaan) oo ka mid ahaa saraakiishii sarsare ee SNM aya maanta si heer qaran ah loogu aasay magaalada Burco taas oo aaska marxuunka ay ka soo qayb galeen Wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland,Mujaahidiin,Cuqaal salaadiin,Siyaasiyiin iyo dadweyne aad u tiara badan oo ka kala yimi gobolada Jamhuauriyada Somaliland.

Dadkii ka soo qaybgalay aaskani ayaa si mug leh uga sheekeeyay taariikhda uu mujaahidkaasi lahaa iyagoo tilmaamay inuu ka mid ahaa mujaahidiintii S.N.M ee sida hagar la’aanta ah uga qayb qaatay dagaaladii dib xoraynta dawladii keliga taliska ahayd ee Maxamed Siyaad Bare.

Wasiirka Xanaanada Xoolaha Somaliland Dr:Cabdi Aw daahir Cali ayaa sheegay in xiligii dagaalada dib xoraynta uu aqoon badan u lahaa mujaahidkaasi isaggoo arrintaasi ka hadlayayna wuxuu yidhi “Waxan Mujaahidka isku lahayn aqoon badan waxaanan anigu baratay mujaahidka waqtigaasi halganka oo aan ahaa sanigu ciyaal Iskuul isaguna uu ahaa Kornayl waxaanan maanta ku sifayn karaa inuu ahaa mid ka mid ah dadkii halbawlaha u ahaa xornimada aan maanta hoos hadhsanayno.”

Waxaanu Wasiirku Marxuumka Ilaahay uga baryay inuu naxariistii jano ka waraabiyo qoskii iyo shacbiga Somaliland-na samir iyo iimaan ka siiyo.



Wasiirka wasaarada Kaluumaysiga iyo Khayraadka badaha Md. C/laahi Jaamac Cismaan (Geeljire) ayaa sheegay inuu ahaa marxuunkani ruux ka mid ah dadka wanaagsan ee wadaniyaduleh isagoo Ilaahay uga barayay in isaga iyo mujaahidiintii kale ee shahiidayba uu naxaristii jano ka waraabiyo.

Mujaahidiinta Maxamed Kaahin Axmed iyo Ibraahim Dhegaweyne,Baashe Cabdi Gaboobe oo iyana ka mid aha mujaahidiintii ay soo wada shaqeeyeen Marxuumka ayaa tilmaamay inuu ka mid ahaa raga fara ku tiriska ah ee ka qaybqaatay dagaaladii qadhaadaa ee laga hilfaha loogu qaaday keligii taliyihii Maxamed Siyaad Barre ee sida arxandarada ah u xasuuqay shacbiga Somaliland.

Waxaanay ilaalahay uga baryeen marxuunka inuu naxaristee jano ka waraabiyo qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxayna uu samir iyo iimaan ka siiyo.

Alle ha u naxariistee Marxuum- Cali Hayaan wuxuu ku dhashay Gobolka Togdheer,waxaanu dugsiyadiisii hoose dhexe ku dhamaystay magaalada Burco intii u dhaxaysay 1951-1956.

Sandkii 1961 ayuu mujaahid Cali Hayaan Jaamac tababar Milatari u tagay dalka Masar.waxaanu markii uu ka soo noqday ka mid noqday sariikiisha ciidamaddii Soomaaliya.

Marxuumku wuxuu ka mid noqday sarkiishii Ururkii dib u xoraynta dalka ee SNM waxaanu marxuumku ifka kaga tagay 7 carruur ah oo isugu jiray lix wiil iyo gabadh.
Cumar-Labasuul
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 11028
Joined: Thu Jan 22, 2009 6:21 pm

Re: Mujaheed cali Hayaan state burial in burco

Post by Cumar-Labasuul »

Alle ha unaxariiste
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Mujaheed cali Hayaan state burial in burco

Post by The_Emperior5 »

[youtube]ZQWY9264gyc&feature=player_embedded[/youtube]
User avatar
Cali_Gaab
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 14013
Joined: Wed Oct 17, 2007 8:50 pm
Location: Sleeping next to my life's cottage

Re: Mujaheed cali Hayaan state burial in burco

Post by Cali_Gaab »

Ilaahay ha uu naxariisto.
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”