Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afweyn

Dedicated for Somaliland politics and affairs.

Moderator: Moderators

User avatar
Bohol iyo karaman
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1060
Joined: Sat Dec 03, 2005 12:37 pm
Location: Is'argoof> Inta Sacad Yoonis dhaqaan yahay Sidaan falaaba ii furan

Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afweyn

Post by Bohol iyo karaman »

Dhismaha Guriga Maxakamada Ceelafweyn
Image

Axmed IIdle Saleebaan -Gudoomiyaha Maxakamada Rafcaanka Gobolka Sanaag-
Image

Xafladii Furitaanka Maxakamada Ceelafweyn
Image


Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afweyn
Munaasibad xadhiga lagaga jarayey dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada ceelafweyn ee gobolka sanaag ayaa lagu qabtay xarunta maxkamada degmada Ceelafweyn
Xaflada dhismahan cusub ee maxkamada degmada ceelafweyn ayaa waxa ka soo qayb galay gudoomiyaha maxkamada racfaanka ee gobolka , xoghaya maamulka fulinta ee gobolka , maayorka degmada ceelafweyn, masuuliyiinta iyo madaxda laamaha dawlada ee degmada ceelafweyn, cuqaal, guurti iyo dadweyne aad u tiro badan.
Sheikh maxamuud sheikh xuseen oo oo ku hadlayey afka garsoorayaasha maxkamada degmada ceelafweyn oo ugu horaynba munaasibadaasi ka hadlay ayaa tibaax ka bixiyey duruufahii kala duwanaa ee maxkamadoodu ku soo martay tan iyo xiligii la furay, wuxuuna xusay in maxkamadu hore u shaqayn jirtey balse dhismahan cusubi ku soo kordhay iyo sida ay ugu faraxsan yihiin dhismahan cusub ee ay ku hawl-geli doonaan.
Maayorka degmada Ceelafweyn Mursal Askar Mire oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa ku dheeraaday muhiimada cadaalada iyo garsoorka, wuxuuna u mahad celiyey cidkasta oo gacan ka geystay hirgelinta dhismaha maxkamada degmada ceelafweyn, waxaanu ka codsaday hayada UNDP in barmaamijka maxkamadaha wareega ay ka caawiyaan garsoorayaasha iyo hawl-wadeenada ka qayb-qaadanayaba dhinaca gunada si barmaamijkani u noqdo buu yidhi mid laga gaadho hadafkii iyo ujeedadii laga lahaa.
Xoghyaha maamulka fulinta ee gobolka sanaag cabdiraxmaan jaamac faarax oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isaguna ku nuuxnuuxsaday cadaalada iyo ilaalinteeda iyo sida loogu baahan yahay in garsoorku ugu shaqeeyo cadaalad iyo sinaan
Waxa iyaguna halkaasi ka hadlay chief caqil Maxamed Cabdi Soofe iyo Isaxaaq Awjaamac oo labadooduba ku dheeraaday cadaalada iyo dhawristeeda, , waxayna farta ku fiiqeen asbaabaha keena cadaalada darada iyo weliba talooyin ku aadan sidii bulshada uga hortegi lahayd dhiirigelinta wiiqida cadaalada. iyagoo bulshadana ku booriyey inay taageeraan cadaalada iyo garsoorka.
Gudoomiyaha maxkamada rafcaanka ee gobolka sanaag sheikh Axmed Iidle Suleymaan oo gebagebadii munaasibadaas ka hadlay ayaa isaguna ka waramay hawlaha garsoorka ee maxkamadaha gobolka sanaag iyo halka ay marayaan, isagoo uga mahad celiyeyna hayada UNDP dhismaha maxkamada degmada ceelafweyn iyo qalabaynteedaba, wuxu kaloo xusay in dhismaha maxkamada racfaanka ee gobolka sanaag iyo deyrka maxkamadaha gobolkaba ay ka caawisay hayadaUNDP.
Wuxuu kaloo intaasi ku daray in dhamaanba degmooyinka gobolka sanaag laga hirgelin doono barmaamijka maxkamadaha wareega (Mobile Courts system) si buu yidhi dadka danyarta ahi degaamadooda ugu helaan dhamaystirka adeegyada garsoorka ay u baahan yihiin ee maxkamadaha gobolka iyo racfaankaba si ay uga maarmaan tiigtii ay maxkamadaha u tegi jireen meelaha durugsan.
Waxana uu gudoomiyaha racfaanku ugu danbayntii ku adkeeyey ciidamada boliiska, asluubta iyo maxkamadahaba ee degmada ceel-afweyn in ay ku dhiiradaan meel marinta sharciga iyo hirgelintiisaba iyadoon marnaba lagu xadgudbayn buu yidhi xaqa iyo xuquuqda muwaadiniintu leeyihiin..
Intaa kadibna gudoomiyaha maxkamada racfaanka iyo madaxdii wehelisayba waxay ku soo wareegeen dhamaanba qaybaha xarunta dhismaha maxkamada degmada ceelafweyn

Waxa xusid mudaan Gudoomiyaha loo magcaabey Maxakamada Degmada Ceelafweyn Sh. Maxamuud Sh. Xuseen, waa nin dadwaynaha reer Ceelafweyn aad ugu kal soonyahiin
User avatar
Siciid85
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 21342
Joined: Mon Feb 02, 2009 9:11 pm
Location: Somaliland

Re: Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afwe

Post by Siciid85 »

:up:
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: Dhisme cusub oo loo sameeyey maxkamada degmada Ceel-afwe

Post by The_Emperior5 »

well done :sland: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Politics - Somaliland”