25 Tikniko Ah Ayaa La Diyaariyey OoNidhi Soo Garaaca Faroole

Dadka ku dhaqan ama ka imaaday gobolkan

Moderators: Moderators, Junior Moderators

User avatar
EastAfrica
SomaliNet Heavyweight
SomaliNet Heavyweight
Posts: 1371
Joined: Sat Jul 17, 2010 7:46 pm
Location: Las Anod, SSC-SOMALIA

25 Tikniko Ah Ayaa La Diyaariyey OoNidhi Soo Garaaca Faroole

Post by EastAfrica »

Image



Xafiiska Wararka Lasanod Online.

Laascaanood Somalia

Cali Mareykan "25 Tikniko Ah Ayaa La Diyaariyey Oo Nidhi Madaxtooyada Garoowe Garaaca"- (Maqal)-






Galkacyo,(Lasanod Online)- Waxaa Maalintii Shalay Garoonka Diyaaradaha Galkacyo Lagu qabtay Xoghayihii Difaaca SSC, Yaasiin Cali Tamaad..

Hadaba Sida ay wax u dhaceen waxaa nooga waramaya Cali Mareykan oo kamid ah masuuliyiinta SSC-da oo xiligan ku sugan magaalada Galkacyo, islamarkaana kamid ahaa ragii sugayay soo dhawaynynta xoghayaha difaaca SSC .

Wariyaha Lasanod Online ee Gobolka Sool ayaa isla shalay la xidhiidhay si aanu wax oga waydiino xadhiga lagula kacay Col.Tamaad.

Cali oo Ka hadlaya Xadhiga Tamaadna waxaa hadaladiisii kamid ahaa: "25 tikniko ah baa la diyaariyay Oo 10-na laga diyaariyay tukaraq inta kalena Buuhoodle, waxaau nidhi garoowe iyo madaxtooyada garaaca oo amarka lagu qabtay xoghayaha difaaca laga soo saaray,Waxaase nala taliyay waxgaradka gobolka mudug Oo noo balan qaaday in si deg deg ah loo sii deyn doono waana lagu guuleystay" ayuu yidhi Cali Maraykan..

----------------------------------------------

Sidee U Dhacay Xadhigii Col: Tamaad Ee Maanta, Yaase Ka Dambeeyey, Xaggee Buu Hada Ku Sugan Yahay {Warbixin}.



Gaalkacayo(Jidbaale):-Xoghaya Gaashaandhigga ee maamulka SSC Col: Yaasiin Cali Abdulle {Tamaad}, ayaa maanta waxaa uu aroornimadii hore ka soo kicitimay magalada Muqdisho ee xarunta dalka Soomaaliya. Markii dayuuraddii siddey ay ka soo degtay magaalada Gaalkacayo ee Gobolka Mudug ayaa waxaa gacanta ku dhigay Tamaad ciidamo laga soo diray magaalada Garoowe ee xarunta u ah maamulka Faroole.

Ciidankan oo la sheegay in amarka xadhiga Tamaad uu soo siiyey C/raxmaan Faroole, oo ah Madaxweyne maamulkaas, ayaa waxay jeelka u taxaabeen Col: Tamaad, ayagoo u sheegay in lagu Amray in wax kastoo wax tari kara shacabka gobolka Cayn ee dagaalka kula jira maleeshiyaadka SNM ee duulaanka ah laga hortago.

Tamaad ayaa intii lagu soo waday jeelka wuxuu xidhiidh la sameeyey Hoggaamiye ku xigeenka Hoggaanka SSC ahna ku simaha Hoggaamiyaha Col: Cali Xassan Axmed {Sabarey}, kaasoo uu uga warbixiyey xaaladdiisa. Waxaana Col: Sabrey oo wata ciidamo fara badani kasoo ambabaxay maagaalada Buuhoodle ee xarunta gobolka Cayn.

Mudane Sabarey wuxuu sheegay in maamulka iyo shacabka SSC toona aysan aqbali kareyn in la ilhaameysto mas'uul xil u haya deeganada SSC, ayna leeyihiin tamarteeda in ay soo furtaan. Arrintan ayaa waxaa si weyn uga hortagay Odayaal, Siyaasiyiin iyo dhammaan qaybaha bulshada gobolka Mudug, oo ku qanciyey ciidankii Sabarey ee SSC in ay dib u noqdaan, isla markaana ay soo daayeen, oo xorriyaddiisii dib ugu soo celiyeen Madaxa Difaaca ee SSC Col: Tamaad.

Waxayna sheegeen haddey yihiin bulshada gobolka Mudug in aysan ogoleyn in lagu dhibaateeyo cid ka tirsan maamulka SSC iyo guud ahaanba shacabka Dhulbahante ee dagaalka adag kula jira maleeshiyaadka beelaha SNM ee is baahaysanaya.

Col: Tamaad ayaa hadda ku sugan Hotelka Taar, ee magaaalada Gaalkacyo, wuxuuna xidhiidh la sameeyey Hoggaamiye ku xigeenka SSC, asagoo ku qanciyey in ciidanka dib loo celiyo, waxaana wararkii ugu danbeeyey sheegayaan in Sabarey iyo ciidankiisiiba ay dib uga weecdeen deegaanka Bur salaax, oo ay galabta goor gaaban soo gaadheen.

Col: Taamaad ayaa la sheegay in caafimaadkiisu Taam yahay, isla markaana hadda uu si xor ah u dhex-mushaaxayo magaalada Gaalkacyo.

Shacabka gobolka Mudug, ayaa waxaa lagu xasuustaa sidii Tolnimada lahayd ee ay u gacan qabteen dhawaacii dagaalkii Kalshaale, kuwaasoo la geeyey Cusbitaalka weyn ee Gaalkacayo, ayagoo Hiil iyo hooba dul dhigay. Waxayna wacad ku mareen in aysan waxba kala hadhi doonin gacan qabashada Walaalahooda, waxayna arintani muujinaysaa sida maamulka saddexda gobolka ka sii Laad-laada iyo shacabku ugu kala duwan yihiin.
User avatar
The_Emperior5
SomaliNet Super
SomaliNet Super
Posts: 50031
Joined: Fri Jan 05, 2007 4:45 pm
Location: Suldaanka Guud beelaha reer Sheikh isxaaq Bani Axmed Bani Hashiim. In the republic of Soliziland
Contact:

Re: 25 Tikniko Ah Ayaa La Diyaariyey OoNidhi Soo Garaaca Far

Post by The_Emperior5 »

cali Maraykan is a funny guy he wants to shell Garowe :lol: :lol: :lol: :up:
Locked
  • Similar Topics
    Replies
    Views
    Last post

Return to “Provinces - Sool”